Xuutiyiinta oo Weerar Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Riyadh ee Sacuudiga.

Riyadh, Sacuudiga – Xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa sii xoogeysatay kadib weerarro isdaba joog ah oo lala beegsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in weerarkii dhacay Sabtidii, 10-ka Oktoobar, ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof, halka in ka badan 300 oo kale ay ku dhaawacmeen. Maalintii xigtay, weerar kale ayaa lagu soo warramay inuu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 11 kale.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarradu ay saameeyeen howlaha garoonka, iyadoo duulimaadyo la hakiyay ama la baajiyay sababo amni awgood.

Xuutiyiinta ayaa sheegtay weeradan ka dhacay gudaha Sacuudiga, xilli dagaalka Yemen uu galay marxalad cusub oo xaasxaasi ah.

Dhanka kale, Sacuudiga ayaa muujiyay inuu tallaabo ka qaadi doono weerarrada, halka beesha caalamku ay walaac ka muujisay khatarta soo wajahday dadka rayidka ah iyo isu socodka duulimaadyada gobolka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la sugayaa tallaabooyinka xiga ee labada dhinac, sidoo kalana waxaa jira wadamo dhowr ah oo muwaadiniintooda uga digay inay u safraan Dalka Sucuudiga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top