Hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna ee dalka Sweden, Magdalena Andersson, ayaa loo kordhiyay waqtiga ay ku soo qiimeynayso fursadaha lagu dhisi karo dowlad cusub. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay codsatay hal maalin oo dheeraad ah, codsigaas oo uu aqbalay guddoomiyaha baarlamaanka Sweden, Andreas Norlén.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu baarlamaanku soo saaray, Andersson ayaa markii hore laga sugayay inay warbixinteeda gudbiso Isniinta, balse hadda waxaa loo asteeyay maalinta Talaadada.
Kulanka ay warbixinta ku gudbin doonto ayaa ka dhici doona xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka, saacadda 11:00 subaxnimo ee Talaadada. Waxaa la filayaa inay halkaas ku soo bandhigto natiijada qiimeynteeda ku saabsan suuragalnimada dhismaha dowlad cusub.
Kulanka kaddib, Andreas Norlén ayaa la tashiyo la yeelan doona ku-xigeennadiisa si loo go’aamiyo tallaabooyinka xiga ee geeddi-socodka dhismaha dowladda.
Dhanka kale, xisbiga Socialdemokraterna kama uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta waqtiga loo kordhiyay. Adriana Haxhimustafa, oo ah afhayeenka warbaahinta ee Magdalena Andersson, ayaa sheegtay inaysan jirin wax faallo ah oo ay arrintan ka bixinayaan.
Sidoo kale, xisbiga Vänsterpartiet (V) ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo go’aanka. Mar warbaahintu wax ka weydiisay Afhayeenkiisa warbaahinta, Tommy Gabrielsson, ayaa sheegay in xisbigu uusan wax war ah ama faalo ah ka hayn arrintan.



