Qorshaha lagu hirgelinayo imtixaan cusub oo af-Swedish ah oo qayb ka noqonaya shuruudaha lagu qaadan doono dhalashada Sweden ayaa laga yaabaa inuu dib u dhaco. Hay’adda Jaamacadaha iyo Tacliinta Sare ee Sweden ee mageceeda losoo gaabiyo (UHR) ayaa soo jeedisay in dib loo dhigo waqtigii la qorsheeyay in imtixaanka cusub la bilaabo. Go’aanka kama dambaysta ah waxaa qaadan doonta dowladda Sweden, balse waxay u badan tahay in dib loo dhigi doono.

Si kastaba, dib udhigista imtixaanka micnaheedu ma aha in la baabi’iyay shuruudda aqoonta af-Swedishka. Qofka ay shuruuddani khusayso weli waa inuu caddeeyo inuu leeyahay aqoon ku filan oo dhanka luuqadda ah.
Aqoonta af-Swedishka waxaa lagu xaqiijin karaa dhowr siyaabood. Waxaa ka mid ah shahaadooyin laga helay waxbarashada dugsiga dhece , dugsiga sare, iyo waxbarashada dadka waaweyn ee (Komvux), ama heerka ugu sarreeya ee (SFI). Sidoo kale, imtixaanka (Tisus), oo lagu qiimeeyo aqoonta af-Swedishka ee loogu baahan yahay waxbarashada jaamacadaha, ayaa loo adeegsan karaa caddeyn.
Dhanka kale, imtixaanka cilmiga bulshada Sweden ee loo yaqaan (samhällskunskap) wuu sii soconayaa, mana saameynayso dib udhigista dib loo dhigay imtixaanka af Iswiidhishka . Codsiyada dhalashada ee socda waxaa sidoo kale loo sii wadayaa sida waafaqsan xeerarka hadda jira.



