
Xildhibaan Mohamed Abdukardir Ali oo ka tirsan Baarlamaanka Sweden ayaa bartiisa Facebook soo dhigay fariin Boostada loogu soo diray taas oo muujinaysa warqad ay ku qoran tahay hanjabaad, taas oo looga dalbanayo inuu iska casilo xilka uu hayo. Arrintan ayaa timid xilli magaca xildhibaanka uu dhawaan aad uga soo muuqday warbaahinta Sweden, waxaana lagu eedeeyay inuu sameeyay wax isdaba marin taas oo u sahashay inuu cod aqlabiyad ah ku helo xilka xildhibaanimo.
Booliska Sweden ayaa xaqiijiyay inuu socdo baaritaan ka hanjabaadan loo soo diray xildhibaan Mohamed waxaana kiiska markii dambe la wareegtay hay’adda amniga dalka Swedeb ee mageeceeda loo soo gaabiyo SÄPO. Sida ay hay’addu sheegtay, qofka loo hanjabay wuxuu ka mid yahay dadka ay dowladdu si gaar ah u ilaaliso.
Warkada losoo diray Xildhibaanka waxaa ku qornayd sidan “Du har komprometterat oss. Hela den somaliska gruppen. Lämna riksdagen eller så hjälper vi dig med det.” micneheduna wuxuu noqonayaa sidan ” “Waad na ceebaysay, dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Ka tag baarlamaanka, haddii kale annaga ayaa kaa caawin doona.” Xildhibaan ka ayaa waraaqdan hanjabaadu ku qoran tahay ku faafiyay bartiisa Facebook sidoo kalana wuxuu la wadaagay hayadaha amaanka.

Dhanka kale Xisbiga Vänsterpartiet oo uu ka tirsan yahay Mohamed Ali ayaa cambaareeyay hanjabaadda, isagoo sheegay xisbigu in siyaasiyiinta loo geysto hanjabaad iyo nacayb ay khatar ku tahay dimuqraadiyadda, isla markaana xildhibaan Mohamed Ali ay garab istaagi doonaan.



