Dhalinyarada 18 ilaa 20 jirka ah ee Sweden ku haysta ogolaanshaha deganaanshaha si ay ula noolaadaan waalid ama qaraabo, waxay codsan karaan in loo kordhiyo ogolaanshahooda. Haddii ay buuxiyaan shuruudaha, waxay sidoo kale dalban karaan deganaansho rasmi ah (permanent uppehållstillstånd).

Qofka doonaya deganaanshaha rasmiga ah waa inuu awood u leeyahay inuu isaga iskiis u maareeyo kharashaadka noloshiisa. Dakhliga waa inuu ka yimaadaa shaqo sharci ah ama ganacsi uu qofku leeyahay. Waxaa la isku dari karaa dakhliga dhowr shaqo oo waqti-dhiman ah, { Deltid Jobb} haddii dhammaan shaqooyinku yihiin kuwo sharci ah oo buuxiya shuruudaha.
Dakhliga waa inuu noqdaa mid joogto ah oo la isku halayn karo muddo dheer. Haddii qofku ganacsi leeyahay, waa inuu caddeeyo in ganacsigu yahay mid dhab ah, dhaqaale ahaan deggan, isla markaana uu leeyahay qorshe macquul ah oo uu mustaqbalka isku filnaan karo.
Waxaa la tixgelinayaa oo keliya dakhli la canshuuro (beskattad inkomst) oo laga helo shaqo sharci ah. Dakhliga aan canshuurta laga bixin ama shaqo aan qofku sharci u haysan in uu qabto lama aqbalo. Qaar ka mid ah lacagaha sida föräldrapenning iyo sjukpenning waa la tixgelin karaa haddii qofku leeyahay shaqo uu weli ku jiro oo maqnaanshihiisu aanu ka badnayn 12 bilood.
Sannadka 2026, qof keligiis ah waa inuu, marka uu bixiyo kharashka guriga, haystaa ugu yaraan 6,243 karoon bishii si uu ugu daboolo cuntada, dharka, nadaafadda, telefoonka, korontada iyo caymiska. Kharashka gurigana wuxuu ku xiran yahay nooca guri ee uu qofku ku nool yahay. Haddii uu la deggan yahay dad kale oo qaangaar ah, kharashka guriga waxaa loo qaybin karaa tirada dadka waaweyn ee guriga kula nool.
Lama xisaabiyo dakhliga ka yimaada xubnaha qoyska, hantida ama faa’iidada raasumaalka, a-kassa, kaalmooyin iyo deeqo gaar ah, ama mushahar qayb ka mid ah ay dowladdu bixiso. Sidoo kale, lacagta howl gabka {pension} looma tixgeliyo dakhli lagu buuxinayo shuruuddan, inkastoo qofka xaq u leh pension xaalado gaar ah looga dhaafi karo shuruudda is-maareynta dhaqaale.
Waxaa jira xaalado qofka looga dhaafi karo shuruudda dakhliga, tusaale ahaan haddii uu ka yar yahay 18 sano marka go’aanka la gaarayo, uu xaq u leeyahay pension, ama uu leeyahay xaalad joogto ah oo ka hor istaagaysa inuu iskiis u shaqeysto, sida xanuun ama naafo muddo dheer ah. Xaaladdaas, qofku waa inuu soo gudbiyaa dukumentiyo rasmi ah oo caddeynaya sababta uu u awoodi waayay inuu iskiis isku maareeyo.
Xeerarkan cusub ayaa muhiimad gaar ah u leh dhalinyarada 18–20 jirka ah, maadaama buuxinta 18 sano aysan si toos ah uga dhignayn in ogolaanshahooda hore uu dhammaanayo.



