Xildhibaan Mohamed Ali oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet ayaa markii ugu horreysay waraysi siiyey Warbaahinta Sweden qaar ka mid ah isagoo ka hadlay xaaladdii adkayd ee uu soo maray toddobaadyadii u dambeeyey iyo qorshihiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.

Mohamed Ali, oo kursi ka helay baarlamaanka Sweden kadib markii uu doorashadii dhawaan ka dhacday Dalka uu ka helay 648 cod taas oo u suura galisay in uu noqdo xubin baarlamaan ka sweden ka tirsan, Mohamed ayaa sheegay in muddadii ugu dambeysay ay ahayd mid culays badan ku haysay, balse uu diyaar u yahay inuu dib ugu laabto waajibaadkiisa shaqo.
“Waxay ii tahay dareen wanaagsan inaan matalo dadka kalsoonida i siiyey, isla markaana aan la kulmo saaxiibbadayda shaqada ee baarlamaanka. Hase yeeshee, toddobaadyadii ugu dambeeyey waxay ahaayeen kuwo culays badan,” ayuu Mohamed Ali u sheegay warbaahinta.
Wuxuu sidoo kale soo dhoweeyey baaritaanka socda ee la xiriira tuhunka wax isdaba-marinta doorashada ee magaalada Borlänge. Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn siyaasadeed iyo mid warbaahineed, iyadoo boolisku baarayaan duruufaha ku xeeran ololihii doorashadiisa.
Mohamed Ali wuxuu caddeeyey inuusan ka tanaasulayn kursigiisa baarlamaanka, isagoo xusay inuusan helin ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan in looga shakisan yahay dembi.
“La iima soo gudbin tuhun ah inaan galay wax dembi ah. Waxaan sii haysan doonaa kursigayga baarlamaanka, waxaanan matali doonaa dadka ii codeeyey,” ayuu yiri Mohamed Ali.
Waxaa muhiim ah in la kala saaro baaritaanka socda iyo dembi la xaqiijiyey. Sida uu Mohamed Ali sheegay, wuxuu doonayaa inuu sii wato matalaadda dadkii codkooda ku doortay, uuna guto shaqada uu u hayo bulshada ku nool Sweden kuwii u codeeyay iyo kuwii ka codeeyayba.
Mohamed Ali ayaa ahaa shaqsiga ugu hadal haynta badan ee doorashada sanad kan waxaana jiray dad badan oo aad u danaynayay inuu mar uun ka soo muuqdo warbaahinta maxaliga ah, taas oo maanta suurto gashay kadib markii uu Mohamed la hadlay Warbaahinta ka howl gala gudaha Sweden, waxaana xildhibaanka ka muuqatay daganaan iyo isku kalsoonaan heer keedu sareeyo.



