Hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna, Magdalena Andersson, ayaa sheegtay inaysan ku guuleysan dadaalkii ay ugu jirtay dhismaha dowlad cusub oo Sweden yeelato.

Magdalena ayaa arrintan u sheegtay guddoomiyaha baarlamaanka Sweden, Andreas Norlén, kaddib markii la siiyay hal maalin oo dheeraad ah si ay u sii waddo wadahadallada xisbiyada siyaasadeed.
Shir jaraa’id oo ay qabatay kulanka kaddib, waxay sheegtay in inkastoo horumar laga sameeyay wadahadallada, haddana aysan jirin heshiis suuragelinaya in dowlad cusub la dhiso.
Waxay sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay codbixinta baarlamaanka ee lagu dooranayo ra’iisul wasaaraha cusub. Hase yeeshee, Magdalena Andersson waxay qiyaastay inay ku guuldarreysan karto codbixinta haddii aysan helin taageerada xildhibaanno ku filan.
Magdalena Andersson ayaa sheegtay inay la hadashay inta badan hoggaamiyeyaasha xisbiyada, balse aan weli la gaarin heshiis cad oo ku saabsan dhismaha dowladda.
Waxay intaas ku dartay inay macquul tahay in tallaabada xigta ee dhismaha dowladda loo dhiibo Ulf Kristersson, oo ahaa Raysalwasaarihii xilkiisu dhamaaday iyo hoggaamiya xisbiga Moderaterna, oo ka mid ah xisbiyada ugu waaweyn dalka.
Hadda waxaa la sugayaa go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka ee ku saabsan cidda loo xil saari doono isku dayga xiga ee dhismaha dowladda.
Ugu dambeyn Magdalena ayaa sheegtay in dalku galay marxalad siyaasadeed oo xaas-xaasi ah balse waxay aamin santahay in laga gudbayo xalka kama dambeystaana la gaari doono.



