Warbixin: Xisbiyada Sweden oo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay dhismaha dowladda cusub.

Waxaa 18 maalmood laga joogaa doorashadii ka dhacday Sweden, hase yeeshee dalku weli ma yeelan dowlad cusub, iyadoo xisbiyada siyaasadda ay weli ku kala aragti duwan yihiin sida loo wajahayo xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada.

Afhayeenka baarlamaanka Sweden, Andreas Norlén, ayaa shalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda, kuwaas oo looga hadlay sidii loo sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka lagu soo dhisayo dowladda cusub. Xisbiga Socialdemokraterna kama mid ahayn kulamada shalay, maadaama Norlén uu hore ula hadlay hoggaamiyaha xisbigaas, Magdalena Andersson, xilli ay dib ugu celisay hawshii loo igmaday ee ahayd inay soo raadiso taageerada lagu dhisi karo dowlad.

Hoggaamiyaha Moderaterna, Ulf Kristersson, ahna raysal wasaarihii xilka ka degay ayaa isaguna kulanka afhayeenka baarlamaanka soo xaadirin balse wuxuu kula hadlay taleefoon, mana uusan qaban shir jaraa’id kaddib wada-hadalkooda. Si kastaba ha ahaatee, Kristersson wuxuu barihiisa bulshada ku shaaciyey in wada-hadalku si wanaagsan u dhacay.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Sverigedemokraterna (SD), Jimmie Åkesson, ayaa mar kale ku adkeystay in Magdalena Andersson la hor keeno baarlamaanka, si xubnaha baarlamaanku ay cod ugu qaadaan inay noqoto ra’iisul wasaare. Arrintan ayaa ka mid ah qodobbada ay SD doonayso in laga gaaro go’aan inta lagu jiro dadaallada lagu dhisayo dowladda cusub.

Hoggaamiyaha Vänsterpartiet (V), haweenayda lagu magacaabo Nooshi Dadgostar, ayaa iyaduna sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal ay la yeelato Centerpartiet, oo ay isku khilaafsan yihiin dhowr wax yabood iyadoo tilmaantay in “albaabkeedu mar walba u furan yahay” xisbigaas. Si kastaba, waxay caddeysay in Vänsterpartiet uusan ka laaban doonin dalabkiisa ah in xisbiga loo oggolaado xilal wasiirro haddii uu qayb ka noqdo dowladda.

Hoggaamiyaha Centerpartiet, Elisabeth Thand Ringqvist, ayaa dhankeeda mar kale taageertay fikradda ah in la sameeyo dowlad ay ku mideysan yihiin xisbiyada ay bahwadaagta siyaasadda yihiin. Waxay sidoo kale su’aal gelisay mowqifka Vänsterpartiet, kaddib markii xisbigaasi uu taageeray musharraxa Moderaterna ee loo doortay afhayeenka baarlamaanka.

Hoggaamiyaha Kristdemokraterna (KD), Ebba Busch, ayaa sheegtay in ay taageersan tahay in Magdalena Andersson la hor keeno baarlamaanka si loo ogaado haddii ay heli karto taageerada loo baahan yahay. Hase yeeshee, waxay caddeysay in xisbigeedu uusan diyaar u ahayn inuu si caadi ah uga mid noqdo dowlad ballaaran oo ay ku jiraan xisbiyada bidixdu, marka laga reebo hadii uu dalku galo xaalad adag oo rabsho wadata, taas oo ay ula jeedo hadii xaaladu adkaato in laga yaabo in xisbigeedu taageero 4 xisbi ee bidixda iyo bartamaha.

Miljöpartiet (MP) ayaa isaguna beeniyay warar soo baxay oo sheegayey in xisbigaasi uu kulamo gaar ah la yeeshay Socialdemokraterna iyo Centerpartiet, iyadoo Vänsterpartiet aanu qayb ka ahayn kulamadaas. MP wuxuu sidoo kale sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay xisbiyadaasi horay uga gaareen doorashadii afhayeenka baarlamaanka.

Lena Hallengren oo ah hoggaamiyaha kooxda Socialdemokraterna ee baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin haba yaraatee heshiis ay afarta xisbi ka gaareen arrinta afhayeenka baarlamaanka.

Dhanka Liberalerna, hoggaamiyaha xisbiga Simona Mohamsson ayaa sheegtay in ay taageersan tahay in Magdalena Andersson baarlamaanka loo hor keeno si cod loogu qaado. Waxay sidoo kale Centerpartiet ugu baaqday inay si cad u muujiso dhinaca ay siyaasadda ka taagan tahay. Mohamsson waxay diidday fikradda ah in la dhiso dowlad ay wadaagaan xisbiyada bartamaha, iyadoo xustay in qaabkan hore loo tijaabiyay xilligii heshiiskii Janaayo, balse aysan u arag mid lagu guuleystay.

Intii ay socdeen dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, Sverigedemokraterna iyo Vänsterpartiet ayaa sidoo kale baarlamaanka horgeeyay laba hindise oo ay doonayaan in laga doodo. SD wuxuu doonayaa in la joojiyo kororka qiimaha shidaalka, halka Vänsterpartiet uu soo jeediyay in la joojiyo masaafurinta dhalinyarada, dadoodu ka yartahay 18 ka sano.

Afhayeenka baarlamaanka Andreas Norlén ayaa sheegay in uu hadda qiimeynayo tallaabada xigta ee la qaadi doono, isaga oo inta uu go’aanka ka gaarayo sii wadi doona wada-hadallo aan rasmi ahayn oo uu la yeelanayo wakiillada xisbiyada kala duwan. Waxa uu sidoo kale sheegay in toddobaad kan uu bixin doono warsaxaafadeed ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka lagu soo dhisayo dowladda cusub.

Sidaas darteed, xaaladda siyaasadeed ee Sweden ayaa weli ku jirta marxalad wada-hadallo iyo is-afgarad raadis ah, iyadoo xisbiyada ay weli ku kala duwan yihiin cidda la horgeynayo baarlamaanka iyo qaabka ugu habboon ee loo dhisi karo dowladda cusub.

Wixii war ah ee ka soo kordha siyaasada Sweden kala soco Somalisidor.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top