Shirkadda Google ayaa soo bandhigtay Gemini 4 Argon, oo ah nooc cusub oo ka mid ah adeeg yadeeda Artificial Intelligence (AI), kaas oo shirkaddu sheegtay inuu yahay mid ka mid ah nidaamyadeeda ugu awoodda badan ilaa hadda.

Waxa si gaar ah Gemini 4 Argon loogu sameeyey inuu ka shaqeeyo cybersecurity, gaar ahaan baaritaanka iyo wax-ka-qabashada meelaha ay ka jiraan daldaloollada amni ee halista ku keeni kara nidaamyada iyo software-yada.
AI-ga cusub ayaa awood u leh inuu raadiyo critical vulnerabilities (daldaloollo amni oo halis ah), xaqiijiyo in dhibaatadu dhab tahay oo jirto, kadibna wuxuu gacan ka geysanayaa sidii xal loogu heli lahaa dhubaatadaas.
Google ayaa sidoo kale sheegtay in Gemini 4 Argon uu faa’iido weyn u yeelan karo programming-ka iyo falanqaynta xogta, maadaama loogu talagalay inuu fahmi karo hawlo adag oo u baahan reasoning (fikir iyo falanqayn qoto dheer) ku waas oo qofka farsamo yaqaan ka ah uu ku bixin lahaa xal u heli deeda muddo dheer.
Koray Kavukcuoglu, oo ah AI architect-ka Google, ayaa sheegay in Argon uu awood u leeyahay inuu sii wado reasoning qoto dheer marka uu wajahayo complex workflows (hawlo isku xiran oo adag), taas oo shirkaddu aaminsan tahay inay wax ka beddeli karto habka loo dhiso loona horumariyo adeegyada Google.
Google ayaa marka hore Gemini 4 Argon siinaysa shirkadaha ay wada shaqeeyaan ee ka tirsan barnaamijkeeda Fairwind, kaas oo diiradda saaraya cybersecurity. Kadib waxaa si tartiib ah loogu ballaarin doonaa isticmaalayaasha kale, iyadoo Google ay marka hore hubinayso in model-ku gaaray heer amni oo ku filan.
Gemini 4 Argon ayaa sidaas darteed isku keenaya laba meelood oo muhiim ah oo AI maanta si weyn looga isticmaalo: software development iyo cybersecurity, iyadoo Google ay doonayso in model-kan cusub uu noqdo qalab awood u leh inuu fahmo, baaro, isla markaana xal u raadiyo dhibaatooyinka farsamo ee aadka u adag.



