(Data center) waa dhisme weyn oo ay ku jiraan kumannaan kombiyuutarro iyo qalab awood badan leh. Waxaa lagu kaydiyaa laguna farsameeyaa xogta ay isticmaalaan adeegyada internetka, sida Google, Facebook, YouTube, adeegyada bangiyada iyo barnaamijyada (AI). Marka aad internetka wax ka raadiso, fiidiyow daawato ama fariin dirto, xogtaas badankeeda waxaa maamula (servers) ku jira (data center). Sidaas darteed, data center-ku waa sida xarun weyn oo internetka ka dambeysa, halkaas oo xog badan lagu kaydiyo laguna farsameeyo.

Xarun weyn oo xogeed (data center) waxay isticmaali kartaa koronto aad u badan, mararka qaarna gaari karta tobanaan megawatt. Korontadaas waxay la mid noqon kartaa tan ay isticmaali lahaayeen malaayiin telefoon haddii dhammaantood isku mar la jaajar-gareynayo. Laakiin data center-ku telefoonno ma jaajar-gareeyso. Korontada waxaa isticmaala kombiyuutarro iyo (processors) qabta shaqooyin badan sida raadinta internetka, daawashada fiidiyowyada, fariimaha iyo adeegyada (AI).
Marka qalabkani shaqeynayo, korontada badankeeda waxay isu beddeshaa kuleyl. Sidaas darteed data center-ku wuxuu u baahan yahay nidaamyo Qaboojiyayaal (cooling systems) oo waaweyn, sida marawaxado (fans), (chillers), bambooyin iyo mararka qaar (liquid cooling), si qalabku uusan u kululaan.
Caqabadda ugu weyn waa in koronto badan si ammaan ah loo gaarsiiyo qalabka, iyadoo kuleylkana si joogto ah looga saarayo. Haddii korontada ama qaboojintu cilad gasho, adeegyo badan ayaa istaagi kara. Marka aad telefoonkaaga isticmaalayso, shaqo badan ayaa ka socota meel ka dambeysa shaashadda, waxaana shaqadaas qayb weyn ka qabta data center-yada.



