Magdalena Andersson oo Sheegtay inay ka rajo dhigtay Raadintii soo dhisida xukuumad Cusub.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa sheegay inuu codkiisa siin doono Andreas Norlén, oo ah musharraxa Moderaterna u sharaxeen xilka guddoomiyaha baarlamaanka Sweden (talmanka). Go’aankan ayaa yimid xilli Socialdemokraterna aysan weli magacaabin musharraxooda.

Hoggaamiyaha Socialdemokraterna, Magdalena Andersson, ayaa sheegtay in xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta aysan suurtagal ka dhigayn in dowlad la dhiso, sidaas darteedna ay dib ugu celinayso hawshii dhisida Dowlad cusub ee laga sugayay.

Magdalena waxay sheegtay inay ogaatay Axaddii in Vänsterpartiet uu taageerayo Norlén oo ah musharax ka socda xisbiga Moderaterna. Inkastoo ay sidaas tahay, Socialdemokraterna waxay doorashada talman-ka la imaan doonaan musharrax u gaar ah, balse Magdalena Andersson ma aysan shaacin magaca qofka ay soo magacaabi doonaan.

Dhanka kale, markii wax laga weydiiyay cidda loo dhiibi karo hawsha soo dhisidda dowladda, Magdalena waxay sheegtay maadaama baarlamaanka uu galay xaalad cusub oo siyaasadeed inay macquul tahay in xisbiyada ku jira isbahaysiga cusub loo dhiibo hawshaas.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top