Video: Uber oo lagu ganaaxay 966$ oo Milyan.

Shirkadda Uber ayaa lagu ganaaxay inay bixiso lacag dhan $966 milyan oo doollar, kadib markii lagu helay inay si aan caddaalad ahayn qaar ka mid ah darawallada uga xirto akoonnada app-keeda.

Hay’adda Ilaalinta Xogta ee Netherlands ayaa Uber ku ganaaxday €825 milyan, oo u dhiganta ku dhowaad $966 milyan. Ganaaxan ayaa noqday kii labaad ee ugu weynaa ee ilaa hadda lagu soo rogo shirkad, iyadoo la adeegsanayo Xeerka Ilaalinta Xogta ee Midowga Yurub, kaas oo loo soo gaabiyo (GDPR).

Hay’addu waxay sheegtay in Uber ay si otomaatig ah u hakisay ama u xirtay akoonnada darawallo, iyadoo aan mararka qaar la siin digniin ku filan ama fursad ay ku sharxaan xaaladdooda.

Sidoo kale, go’aannada xiritaanka waxaa qayb ka qaatay (Artificial Intelligence), iyadoo aan mar walba la helin dib-u-eegis uu sameeyo shaqaale bani’aadam ah. Uber ayaa diidday xukunka, waxayna sheegtay in inta badan hakinta akoonnadu yihiin kuwo ku-meelgaar ah.

Shirkaddu waxay intaas ku dartay in xiritaanka joogtada ah uu u baahan yahay dib-u-eegis shaqaale, darawalladuna ay xaq u leeyihiin inay racfaan qaataan. Uber waxay sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto ganaaxa.

Kiiskan ayaa yimid kadib cabashooyin ay gudbiyeen darawallo, kuwaas oo sheegay inay shaqadoodii ku waayeen daqiiqado gudahood, kadib markii akoonnadooda si otomaatig ah loo xiray. Dowladda Netherlands ayaa sheegtay in go’aannada noocaas ah ay saameyn weyn ku yeelan karaan nolosha iyo dakhliga darawallada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top