Baarlamaanka Sweden (Riksdagen) ayaa Arbacadii, 11-kii Nofeembar, cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka oo oggolaanaya in xaalado gaar ah dadka lagala noqon karo dhalashada Sweden.

Go’aanka ayaa khuseynaya dadka haysta laba dhalasho (dubbelt medborgarskap). Waxaa dhalashada lagala noqon karaa qof lagu helo inuu dhalashada Sweden ku helay xog been ah ama khiyaano, iyo qof lagu xukumo dembiyo si weyn waxyeello ugu geysanaya danaha muhiimka ah ee dalka (Sveriges vitala intressen).
Cod-bixinta waxaa oggolaaday 292 mudane, halka 51 ay diideen. Lix mudane ayaa ka maqnaa fadhiga. Xisbiyada Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet ayaa ka horyimid isbeddelka.
Dhinaca kale, wax-ka-beddelkan wuxuu dhaqan-gelayaa 1-da Janaayo 2027. Si kastaba ha ahaatee, dowladda cusub ayaa weli u baahan inay soo diyaariso sharci gaar ah oo qeexaya habka dhalashada loogala noqonayo dadka ay arrintani khusayso.
Go’aanka ayaa dhaliyay dood siyaasadeed, iyadoo dadka dhaliilaya ay ka digayaan in xuquuqda muwaadinnimada Sweden ay noqoto mid aan dadka oo dhan si isku mid ah u ilaalin.



