Shirkadda Nvidia ayaa soo bandhigtay nidaam cusub oo loogu talagalay xarumaha xogta ee Caqliga macmalka ah (AI). Nidaamkan oo lagu magacaabo DSX POD AI Factory, ayaa warshadda lagu soo dhammeystirayaa marka hore , waxaana lagu rari karaa Koontaynar weyn oo lamid ah kuwa lagu raro badeecadaha ee ay qadaan baabuurta xamuulku.

Weelka waxaa ku dhex rakiban toddoba qaybood oo waaweyn oo serverro ah (server racks), kuwaas oo adeegsanaya nidaamka cusub ee Nvidia ee loo yaqaan (Vera Rubin). Qalabka isku xira serverrada, fiilooyinka iyo nidaamka qaboojinta dareeraha (liquid cooling) ayaa dhammaantood lagu diyaarinayaa warshadda ka hor inta aan Koontaynarka lasaarin.
Cabbirka Kontaynarku wuxuu la mid yahay Koontaynarada caadiga ah ee lagu qaado badeecadaha, halka culeyskiisu uu gaarayo qiyaastii 28 tan.
Marka Koontaynarka la geeyo goobta loo qorsheeyay, waxaa loo baahan yahay in la dhigo meesha ku habboon, lagu xiro kaabayaasha kale ee xarunta, kadibna la sameeyo tijaabooyinka farsamo ee ugu dambeeya. Habkan ayaa meesha ka saaraya qayb badan oo ka mid ah shaqada iyo waqtiga caadiga ahaan ku baxa dhismaha xarun cusub oo AI ah.
Nvidia waxay sheegtay in nidaamkan uu si weyn u dedejin karo hawlgelinta xarumaha xogta. Sida ay shirkaddu tilmaantay, muddada xarun cusub lagu diyaarin karo laguna bilaabi karo shaqadeeda ayaa laga dhimi karaa lix bilood ilaa 14 maalmood.
Dhanka kale, shirkaddu weli ma shaacin qiimaha rasmiga ah ee nidaamkan. Warbixin ay baahisay CNBC ayaa sheegaysa in falanqeeyayaasha suuqa ay qiyaasayaan in hal qayb oo serverro ah (Vera Rubin rack) ay ku kici karto in ka badan 7 milyan oo doollar.
Qiimahaas ayaa muujinaya kharashka badan ee ku baxaya kaabayaasha awoodda sare leh ee loo baahan yahay si loo maareeyo loona tababaro nidaamyada Caqliga macmalka ah ee casriga ah.



