Toogasho ka dhacday xarun ganacsi oo ku taala Norrköping, Sweden.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay xarunta ganacsiga Mirum Galleria ee magaalada Norrköping, kaddib markii booliiska loo sheegay dhacdo la xiriirta rasaas laga maqlay gudaha xarunta.Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qof uu dhaawac ka soo gaaray rasaasta, waxaana la sheegay in gacanta laga toogtay.

Qofka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaal, iyadoo xogta caafimaad ee ugu dambeysay ay tilmaamayso in xaaladdiisu aysan ahayn mid halis ah. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan dambiyeed oo ku saabsan dhacdadan, waxaana kiiska loo baarayaa tuhunno la xiriira isku day dil iyo dembi hub culus.

Ciidamo badan oo booliis ah ayaa weli ku sugan goobta, halka baarayaashu ay raadinayaan xog dheeraad ah oo lagu ogaanayo sida ay dhacdadu u dhacday iyo cidda ka dambeysa.

Booliiska ayaa sidoo kale ugu baaqay qof kasta oo goobta joogay ama haya xog la xiriirta dhacdada inuu la soo xiriiro hay’adaha ammaanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top