Wargeyska Borlänge Tidning ayaa qoray in Mohamed Abdukardir Ali loo bandhigay shaqo uu ka qabanayo xarunta dhexe ee Xisbiga Vänsterpartiet ee Stockholm, haddii uu ka tanaasulo kursigiisa baarlamaanka Sweden.

Sida lagu sheegay warbixinta lagu daabacay Borlänge Tidning Mohamed Ali waxaa la sheegay in loo bandhigay inuu ka shaqeeyo xafiiska xisbiga oo ku yaal magaalada Stockholm iyadoo mushaharka shaqada la sheegay inuu noqonayo 81,400 karoon bishii, taas oo u dhiganta mushaharka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden.
Warbixintan ayaa soo baxday xilli Mohamed Ali uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan arrimo kale oo la xiriira muran laga keenay qaab kii uu ku noqday xildhibaan, taas oo lagu eedeeyay inuu wax is daba mariyey balse eedaas weli lama xaqiijin oo waxaa socda baritaan lagu xaqiijinayo.
Xisbiga Vänsterpartiet oo ka hadlay xilkan cusub ayaa sheegay in arrintan ay tahay “isfaham-darro”, balse ma uusan faahfaahin waxa sax ahaan la isku fahmi waayay. Wargeyska Borlänge Tidning ayaa ah kan soo bandhigay xogtan, warbixintan, ilaa hadana lama hayo ilo kale oo xaqiijiyay.
Wixii ka soo kordha kala soco Somalisidor.



