Warar ka laga helayo Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 12 gobol ay la kulmeen weerarro dhanka internet-ka ah (Cyberattacks) oo lagu qaaday nidaamyada maamula biyaha iyo bulaacadaha (Water and Wastewater Systems).
Sida ay baahisay ABC News, weerarradan ayaa sababay in qaar ka mid ah shaqaalaha maamula nidaamyada xarumahaas laga xannibay gabi ahaan ba gelitaanka nidaam yadii ay ku shaqayn jireen, kaddib markii la beddelay furayaasha sirta ah (Passwords) sidoo kalana la damiyey nidaamyada digniinta (Alarm Systems).

Ilaa hadda ma jiraan warar muujinaya in weerarradu ay sababeen hakad weyn ama saameyn ballaaran oo ku timid adeegyada biyaha.
Hay’adda baarista federaalka ee Mareykanka (FBI) ayaa la sheegay inay kula talisay xarumaha biyaha inay internet-ka ka gooyaan nidaamyada muhiimka ah gaar ahaan halka ay suurtagal tahay, isla markaana ay hubiyaan inay adeegyada ku maamuli karaan hab gacanta ah (Manual Operation) haddii nidaamyada otomaatiga ah (Automated Systems) ay shaqada joojiyaan.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in Iran ay tahay dalka ugu weyn ee looga shakisan yahay inuu ka dambeeyo weerarradan (Cyberattacks), hase yeeshee ilaa hadda ma jiro caddeyn rasmi ah oo arrintaas xaqiijinaysa.
Waxaa sii kordhaya dagaalka dhanka Teknoolojiyadda ah kaas oo malin ba malinta ka dambeysa noqonaya mid la isku adeegsanayo habab cusub oo casri ah.
