Waxaa la xaqiijiyay in weerar dhanka internetka ah loo geystay Shabakada caalamiga ah ee Bookning.com oo ah degel laga goosto tigidhada diyaradaha sidoo kalana laga kiraysto Hoteelada iyo guryaha gaarka loo kireeyo. Habeenimadii isniinta bishuna ku beegnayd 13 ayaa qayb ka mid ah Macaamiisha Bookning.com waxaa usoo dhacay fariin lagu ogeysiinayo inay suurtagal tahay in qayb ka mid ah macaamiisha xogohoodii lajabsaday.

Warar lagu faafiyay internetka, gaar ahaan barkulan ka Reddit, ayaa muujinaya in macaamiil badan la siiyay ogeysiis ku saabsan arrintan. Fariimaha loo diray waxay tilmaamayeen in xog la xiriirta shaqsiyadooda gaar ka ah laga yaabo inay arkeen dhinacyo aan sharci ahayn, xitaa xog kasta oo ay la wadaageen hoteelada ama meelaha ay degayeen.
Xogaha laga yaabo inay gacanta ugaleen jabsadayaashii ka dambeeyay weerarkan waxaa ka mid ah Magaca isticmaalaha, meesha uu degan yahay iyo hadii uu Bookning ka dhex goostay tikit diyaradeed ama uu ka kiraystay Hotel. Tusaale hadii aad ka mid tahay macaamiisha Bookning waxaa laga yabaa inaad ka mid tahay dadka xogtooda la jabsaday. Afhayeenka shirkadda, oo lagu magacaabo Courtney Camp, ayaa sheegtay in la arkay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo la xiriira helitaanka xogta martida. Waxay tilmaantay in shirkaddu si degdeg ah uga falcelisay si loo xakameeyo dhibaatada, isla markaana dib loo cusbooneysiiyay fura sireedyada qaybo ka mid ah balamihii macaamiishu sameyeen.
Tusaale hadii aad Tikit diyaarad ka dhex jaratay Bookning isla markaasna shirkadu dareentay inaad ka mid tahay dadka xogtooda la yabsaday, waxay shirkada Bookning kuu soo diri doontaa bin cusub oo ka duwan kii horay kugu soo dhacay, waa Koodhka Boos celinta ama reservation code. Si kastaba ha ahaatee, shirkaddu ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan tirada dadka ay arrintani saameysay. War kale oo ay siisay The Guardian ayaa lagu sheegay in xogta maaliyadeed aysan ku jirin wixii la helay.
Dhanka kale mid ka mid ah dadka macaamiisha ah ee arrintan ka hadlay ayaa sheegay inuu helay fariin khiyaano ah oo loo soo mariyay WhatsApp, taas oo lahayd xog sax ah oo ku saabsan safarkiisa. Tani waxay muujinaysaa in xog la xaday loo adeegsan karo weerarro lagu beegsanayo macaamiisha. Marka akhristoow hadii aad ka mid tahay macaamiisha Bookning oo aad hesho fariin kaaga timid shirkada ogow in fariintaasi noqon karto mid lagugu waxyeelayn karo ee iska hubi inay tahay fariin sax ah oo ka timid Shirkada.
Shabakada Bookning waa shabakad caalami ah oo ay leedahay shirkada Booking Holdings Inc taas oo laga leeyahay Dalka Maraykan ka, waxaana ku xiran Malayiin qof oo si maalinle ah u isticmaala.
