Waa kuwan 15 kii eray ee Teknoolojiyada ku saabsanaa iyo Sharaxaadahooda oo Af-Soomaali ah
Technology-gu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha casriga ah. Maqaalkan waxaad ku baranaysaa erayo muhiim ah oo si fudud loo sharaxay.
1. Encryption – Sirgelin
Sirgelin waa hab lagu qariyo xogta si aysan u akhrisan karin cid aan loo oggolayn.
2. Decryption – Furidda Sirta
Waa habka dib loogu furo xogtii la sirgeliyey.
3. Firewall – Darbi Amni
Firewall waa nidaam ilaalinaya kombiyuutarka ama shabakadda.
4. Browser – Biraawsar
Browser waa barnaamij lagu furto bogagga internet-ka.
5. URL – Cinwaan Internet
URL waa cinwaanka bog internet.
6. Bandwidth – Awoodda Internet-ka
Waa cabbirka xawaaraha internet-ka.
7. Download – Soo Dejinta
Waa marka aad xog soo dejisato.
8. Upload – Kor u Qaadista Xogta
Waa marka aad xog u dirto internet-ka.
9. Bug – Cilad Barnaamij
Bug waa khalad ku jira barnaamij.
10. Debugging – Saxidda Khaladaadka
Waa habka lagu saxo khaladaadka.
11. Open Source – Il Furan
Software qof walba wax ka beddeli karo.
12. UI – Muuqaalka Isticmaalaha
Waa sida app u muuqdo.
13. UX – Khibradda Isticmaalaha
Waa sida uu qofku u dareemo marka uu isticmaalayo app.
14. Backup – Kayd Dheeraad ah
Nuqul xogtaada ah oo la keydiyo.
15. Streaming – Daawasho Toos ah
Daawasho toos ah adigoon download samayn.
Gunaanad
Erayadan waxay kaa caawinayaan fahamka technology-ga casriga ah.
