Shirkad shidaalka ka ganacsata oo fadhigeedu yahay Boqortooyada Ingiriiska, laguna magacaabo Zephyr Energy, ayaa shaacisay dhacdo xatooyo casri ah oo lagu fuliyay hab dhanka internetka ah, taas oo sababtay in laga lunsado lacag dhan ku dhowaad $900,000. Lacagtan ayaa markii hore loogu talagalay in lagu bixiyo qandaraasle ay shirkaddu la shaqaynaysay, balse si qarsoodi ah ayaa loo leexiyay loona geliyay akoon ay maamulaan kooxo hackers ah.

Sida ay shirkaddu sheegtay, dhacdadan waxay ka dhacday intii lagu guda jiray habka bixinta lacagaha, halkaas oo xogta bangiga si xeeladeysan loo beddelay. Noocan weerarka ah waxaa loo yaqaan (Business Email Compromise), waana farsamo ay adeegsadaan tuugada internetka si ay u jabsadaan emailada ama nidaamyada maaliyadeed (financial systems) ee shirkadaha. Markay galaan nidaamka, waxay si qarsoodi ah ula socdaan fariimaha u dhexeeya shirkadda iyo macaamiisheeda, kadibna waxay beddelaan xogta muhiimka ah ee lacag dirista (bank details), taasoo keenta in lacagtu ku dhacdo meel khaldan.
Inkasta oo khasaaraha dhaqaale uu yahay mid weyn, haddana shirkaddu waxay sheegtay in hawlaheedu wali si caadi ah u socdaan .Si kastaba, dhacdadan waxay muujinaysaa khatarta sii kordheysa ee weerarrada internetka (cyber attacks), kuwaas oo si gaar ah u beegsada shirkadaha iyo hay’adaha waaweyn. Warbixin ay soo saartay Federal Bureau of Investigation ayaa tilmaamaysa in weerarradan ay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee sababa khasaare dhaqaale, iyadoo sanadihii u dambeeyay lagu waayay balaayiin doolar, taasoo caddeyneysa in dembiyada internetka (cybercrime) ay noqdeen halis caalami ah oo sii fidaysa.
Shirkadda Zephyr Energy ayaa hadda wada dadaallo ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato lacagta la leexiyay, iyadoo la kaashanaysa bangiyo iyo khubaro dhinaca amniga ah. Sidoo kale, waxay sheegtay inay kordhisay heerarka ammaanka ee nidaamyadeeda (additional security layers) si looga hortago weerarro kale oo mustaqbalka dhici kara. Dhacdadan waxay tusaale u tahay sida tiknoolajiyadda casriga ah ay u keentay fududeyn dhinaca ganacsiga ah, balse isla markaasna u abuurtay khataro cusub oo u baahan feejignaan iyo difaac joogto ah oo dhanka ammaanka dijitaalka ah (digital security).
Wararkii ugu dambeeyay ee dhanka Teknoolojiyadda kala soco Somalisidor.
