Shirkadda tignoolajiyadda ee Shiinaha laga leeyahay, ee Baidu, waxay qorsheynaysaa in ay sanadka 2026 keento baabuurteeda iswada ee {Robotaxi} qaaradda Yurub, iyada oo iskaashi la sameyneysa shirkadda Maraykanka ah ee Lyft, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay TV ga CNBC.
Tallaabada ugu horreysa ee mashruucan waxaa lagu bilaabi doonaa waddamada Ingiriiska iyo Jarmalka. Hadafku waa in tobanaan kun oo baabuur ah lagu daabulo suuqyada Yurub sanadaha soo socda, haddii ay helaan oggolaansho sharciyeed oo rasmi ah.
Hirgelinta robotaxiga waa qeyb ka mid ah qorshaha weyn ee shirkadda Baidu ku ballaarinayso adeeggeeda Apollo Go, oo ah adeegga gaadiidka iswada ee shirkaddu ka fuliso magaalooyin waaweyn oo ku yaalla Dalka Shiinaha adeegyadaas oo ay shirkaddu bilowday sanadkii 2021. Sidoo kale, Baidu waxay la shaqeyneysaa shirkadda Uber, gaar ahaan gobollada Bariga Dhexe iyo Aasiya.
Shirkadda Lyft waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay suuqyada Yurub ugula tartami lahayd Ubber iyo Bolt.
Inkasta oo shirkadda Lyft ay horey uga jirtay si kooban gudaha Yurub, haddana waxay dhowaan xoojisay saameynteeda iyada oo iibsatey shirkadda Freenow oo laga leeyahay Jarmalka, taas oo ka howl gasha in ka badan 150 magaalo oo Yurub ku yaala.