Shirkadda lacagaha dhijitaalka ah ee Bybit ayaa shaacisay in koox jabsadayaal ah {Hackers} ay xadeen lacag dhijitaal ah oo qiimaheedu dhan yahay $1.5 bilyan, Tani waxay noqon kartaa xatooyadii ugu weynayd ee abid lagula koco shirkadaha noocan ah.
Ben Zhou, oo ah aasaasaha shirkadda Bybit ee fadhigeedu yahay Dubai, ayaa ku wargeliyay isticmaaleyaasha in hantidooda ay “ammaan tahay” isla markaana shirkaddu ay magdhabi doonto macaamiisha ay saameysay xatooyadani. Sida laga soo xigtay shirkadda, jabsadayaashu waxay lacagta ka xadeen boorsadeeda dhijitaalka ah ee Ethereum, taas oo ah lacagta labaad ee ugu qiimaha badan lacagaha dhijitaal ka ah marka laga reebo Bitcoin.
Shirkada Bybit ayaa sheegtay in khasaaraha la dabooli karo iyadoo la isticmaalayo hantida shirkadda ama amaah ay ka helaan maalgashadayaal kale. Shirkaddu waxay leedahay hanti dhan $20 bilyan oo maliyadeed. shirkada ayaa sheegtay in Jabsadayaashu ay ka faa’iideysteen daldaloolo dhinaca amniga ah, iyagoo lacagta ay xadeen u wareejiyay ciwaan aan la garanayn, iyagoo intaas raaciyay in ay ku daba joogaan lana kashadeen hayadaha ay qusayso arintani.
Kadib xatooyadan, qiimaha Ethereum ayaa hoos u dhacay boqolkiiba afar 4% Jimcihii, taas oo qiimaheeda ka dhigtay $2,641.41 halkii lacag dhijitaal ah. Xatooyadani waxay dhaaftay rikoor hore oo la diiwaangeliyay sanadkii 2022, markaas oo $620 milyan laga xaday shabakadda Ronin Network.
Lacagaha dhijitaalka ah oo noqday kuwo si weyn loo maalgeliyo ayaa dood badan dhaliyay. Qaar ka mid ah khubarada dhaqaalaha ayaa dhaliilay, iyagoo sheegay in qiimahooda uu ku saleysan yahay mala-awaal, taas oo ka dhigaysa kuwo sahlan in lagu shubto ama lagu khasaaro.
Wararka Teknolojiyadda Alaaba kalasoco www.somalisidor.com