Weerar Internet Oo lagu qaaday DXS International, iyo NHS Oo Ka Hadashay Saameynta.

Shirkadda DXS International, oo xarunteedu tahay Ingiriiska kana shaqeysa teknoolajiyada la xiriirta caafimaadka, ayaa shaacisay inay la kulantay weerar internet (cyberattack) oo ku dhacay nidaamyadeeda kombiyuutarka.

DXS waxay sheegtay in dhacdadan amni la ogaaday bartamihii bishan Diseembar, kadib markii la arkay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo saameeyay server-rada (servers) xafiisyada shirkadda. Markii arrinta la ogaaday, shirkaddu waxay si degdeg ah u qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo dhibaatada, waxayna si dhow ula shaqeysay shirkadu Adeegga Caafimaadka ee Qaranka Ingiriiska (NHS).

Shirkaddu waxay caddeysay in weerarku uusan saameyn weyn ku yeelan adeegyadeeda, isla markaana adeegyada tooska ah ee lagu daryeelo bukaannada ay weli si caadi ah u shaqeynayaan. Sidoo kale, ilaa hadda lama xaqiijin in wax xog caafimaad oo bukaan ah la xaday.

Si kastaba ha ahaatee, koox burcad internet ah oo isticmaasha fayras madax-furasho ama (ransomware) ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarka. Kooxdan ayaa ku andacootay inay ka qaadatay DXS tiro badan oo xog ah, inkastoo sheegashadaas aan si rasmi ah loo xaqiijin.

DXS International waxay arrintan ku wargelisay hay’adaha ammaanka iyo kuwa ilaalinta xogta, oo ay ku jirto hay’adda UK u qaabilsan ilaalinta macluumaadka dadweynaha (Information Commissioner’s Office, ICO). Dhanka kale, mas’uul ka tirsan NHS England ayaa sheegay inaysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya in adeegyada bukaannada ay waxyeello gaartay.

DXS waa shirkad soo saarta barnaamijyo kombiyuutar (software) oo ka caawiya dhakhaatiirta inay si hufan u maareeyaan shaqadooda, isla markaana ay hoos u dhigaan kharashaadka. Barnaamijyadan ayaa si dadban ula xiriira xogta bukaannada, waxaana mararka qaarkood lagu adeegsadaa shabakadda caafimaadka qaranka ee loo yaqaan HSCN, taas oo isku xirta hay’adaha caafimaadka ee Ingiriiska.

Guud ahaan, NHS ma laha hal nidaam oo dhexe oo lagu keydiyo dhammaan xogta caafimaadka bukaannada, taas oo hoos u dhigta halista ah in xog badan mar kaliya la helo haddii weerar dhaco.

Arrintan ayaa mar kale muujinaysa baahida sii kordheysa ee loo qabo adkeynta amniga internet-ka, gaar ahaan hay’adaha la xiriira caafimaadka iyo xogta dadweynaha.

Wararkii ugu dambeeyay ee Teknolojiyadda kala soco Somalisidor.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top