Saynisyahanno ka tirsan Machadka Massachusetts Institute of Technology (MIT) ayaa sameeyay dun gaar ah oo laastik ah, taasoo ay ku dhex jiraan qaybo kombiyuutar yar-yar ah, dareemayaal, Bluetooth, iyo batari. Teknolojiyaddan cusub waxaa lagu toli karaa dhar si ay ula socoto caafimaadka iyo dhaqdhaqaaqa jirka wakhti kasta.
Sidaan wada ognahay waxaa hada jira qalab casri ah kaas oo lagula socon karo cafimaadka jidhka, waxaana qalab kaas ka mid ah sacadaha iyo faraantiyada ku shaqeeya caqliga macmalka ah, waxayna marooyinkani kuwaas uga duwan yihiin waa inay daboolayaan qeyb weyn oo ka mid ah jirka taas oo bixineysa xog cafimaad oo ka xeeldheer tan ay bixiyaan qalabka hada jira. Dharkani sidoo kale waa mid jilicsan oo raaxo leh, waxaana lagu dhaqi karaa mashiinka dharka.
Dharkan casriga ah ayaa hada waxaa si jitaabo ah loogu qaybiyay qaar ka mid ah ciidamada Mareykan ka ee ku sugan gobolada qabowga ba’ani ka jiro, haddii lagu guleystana tani waxay beddeli kartaa mustaqbalka la socodka caafimaadka iyo dharka casriga ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee dhanka Teknolojiyadda si aad u hesho ku xidhnow www.somalisidor.com