Teknolojiyadda ayaa ku socota xawaare aad udheereeya gaar ahaan cilmiga AI oo hada tartan weyn loogu jiro waxaana hada la shaaciyay inuu soo baxay AI cusub kaas oo lagu saadaalin karo cimilada aduun ka heer caalami iyo mid maxali intaba.
Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa hindisay oo horumariyay nidaam ku dhisan caqliga macmal ka ah kaas oo boqol kiiba sagaashan 90% ka awood badan nidaamyada hada jira, waxaana loo bixiyay nidaamkan {Aardvark Weather}.
Saadaasha cimilada ee hadda jirta waxaa lagu sameeyaa marxalado kala duwan oo adag, kuwaas oo saacado badan qaata in lagu socodsiiyo kombiyuutarrada waaweyn ee xisaabeeya xogta, sidoo kale waxaa sadaalinta hawada ka qayb qaata Cirbixiyayaal iyo cilmi barayaal tiro badan balse Aardvark ayaa awood buuxda u leh inuu saadaal ka bixiyo heer kasta iyo xili kasta ee cimilo wakhti aad u kooban isagoo waliba isticmaalaya Kombiyuutar caadi ah.
Nidaamkan ku dhisan Caqliga Macmalka ah waxaa taageeray Machadka Alan Turing, Microsoft Research, iyo Xarunta Yurub ee Saadaasha Cimilada ee mageceeda loo soo gaabiyo (ECMWF).
“Nidaamka Aardvark ma ahan oo kaliya guul weyn oo AI saadaasha cimilada ah, balse waa tusaale wanaagsan oo muujinaya awoodda iskaashi iyo sida cilmi-baarayaashu u horumarin karaan teknoolojiyadda AI si wax tar leh,” ayuu yiri Dr. Chris Bishop oo ka tirsan Microsoft Research.
Cilmi-baarayaashu waxay rumeysan yihiin in Aardvark uu beddeli karo saadaasha cimilada, gaar ahaan dalalka soo koraya, maadaama uu u fududeynayo helitaanka saadaal sax ah iyada oo aan loo baahnayn qalab xisaabeed oo qaali ah.