Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Elon Musk uu adeegsanayo Caqliga Macmalka ah AI si uu ugu maamulo Dowlada Mareykan ka iyadoo loo sii marayo Waaxda Hufnaanta Dawladda ee mageceeda losoo gaabiyo (DOGE).
Sida lawada ogyahay Elon Musk wuxuu shaqada ka eryay tobanaan kun oo shaqaale federaal ah, wuxuuna ku qasbay inta hartay inay toddobaad kasta soo gudbiyaan warbixinno muujinaya waxqabad’kooda, waxaana shaqaalaha looga fadhiyaa ugu yaraan 5 qodob oo muhiim u ah shaqada ay todobaad kaas Dowlada u qabteen si ay usii haystaan jagadooda.
Hadaba si loo maareeyo xogtan aadka u badan, ee ay soo gudbinayaan shaqaalahaasi waxaa la sheegay Elon Musk iyo kooxdiisu inay isticmaali donaan Caqliga Macmalka ah si uu ufuddudeeyo kala soocida email lada ay shaqaaluhu soo diraan iyo sidoo kale go’aaminta cidda sii shaqaynaysa.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in AI ay beddeli doonto jagooyin badan oo dawladeed, inkastoo aan weli si cad loo fahmin sida ay nidaamyadan u shaqayn donaan. Dhanka kale aqoon yahano caan ka ah Maraykan ka ayaa waxay ka digayaan in adeegsiga AI ee shaqada noocan ah uu horseedi karo khaladaad, eex, iyo mas’uuliyad la’aan.
” In shaqada noocan oo kale ah loo isticmaalo AI waa mid u baahan masuuliyad dheerad ah iyo in loo qaabeeyo si gaar ah, sidoo kale waa in la tijaabiyo lana ansixiyo inta aan la howl galin” sidaa waxaa yiri Cary Coglianese oo ah Borofisar sharciga iyo cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Pennsylvania.