Waa Maxay Artificial Intelligence (AI) Ama Caqliga Macmalka ah?

Hordhac

Artificial Intelligence (AI) ama Sirdoonka Macmalka ah waa teknolojiyad awood u leh in ay kombiyuutarradu wax ka bartaan xogta, go’aanno gaaraan, ayna qabtaan hawlo caqli ku dhisan. AI waxa ay isku dayaysaa in ay kombiyuutarradu u shaqeeyaan sida maskaxda bini’aadamka, taasoo ka caawinaysa xalinta dhibaatooyin badan oo nolosha la xiriira.

Noocyada Artificial Intelligence

AI waxa loo kala saari karaa dhowr nooc oo waaweyn:

  1. Artificial Narrow Intelligence (ANI) – Waxaa kale oo loo yaqaannaa AI-ga xaddidan, waana nooca maanta ugu badan. Waxa uu qabtaa shaqo gaar ah sida tarjumaadda luqadaha (Google Translate) ama garashada sawirrada (Face Recognition).
  2. Artificial General Intelligence (AGI) – Waa AI u shaqeynaya sida maskaxda aadanaha, taasoo ka dhigaysa in uu wax fahmo, wax barto, go’aan qaato, kana shaqeeyo hawlo kala duwan.
  3. Artificial Super Intelligence (ASI) – Waa AI aad uga caqli badan bini’aadamka, kaas oo wali cilmi-baaris lagu hayo loogana baqayo in uu mustaqbalka aad u horumaro.

Faa’iidooyinka AI

AI waxay faa’iido weyn u leedahay dhinacyo badan oo nolosha ah, sida:

  • Caafimaadka – AI waxa ay ka caawisaa dhakhaatiirta ogaanshaha cudurrada iyo samaynta dawooyin cusub.
  • Gaadiidka – AI waxa ay horseed u tahay gawaarida iswada (Self-driving cars).
  • Ganacsiga – Waxay caawisaa ganacsatada sidii ay xogtooda ugu falanqayn lahaayeen si ay go’aano sax ah u gaaraan.
  • Adeegyada Internet-ka – AI waxaa loo adeegsadaa chatbots, tarjumaadda luqadaha, iyo raadinta xogaha Google.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top