Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 Maarso 2026, waxaa shir ku jira guddi la yiraahdo FOMC (Federal Open Market Committee). Guddigan waa mid aad muhiim u ah, sababtoo ah iyaga ayaa go’aamiya jihada uu dhaqaalaha Maraykanku u socdo.
Go’aannada ay gaaraan ma saameeyaan Maraykanka oo kaliya, balse waxay si toos ah u taabtaan suuqyada caalamka oo dhan—gaar ahaan suuqa Forex iyo dahabka. Sababta ugu weyn waa in doolarka Maraykanku yahay lacagta ugu awoodda badan dunida (global reserve currency).
