Video: Mashruuc Cajiiba, waa Tuke loo tababaray aruurinta Qashin ka.

Muqaalka maanta wuxuu diiradda saaraya mashruuc aad u yaab leh oo si weyn u soo jiitay dareenka caalamka, kaas oo ku saabsan tukayaal loo tababaray inay ururiyaan qashinka.

Haa, tukayaal ayaa loo diyaariyay inay noqdaan “shaqaale” si ay u helaan cuntadooda maalinlaha ah, iyagoo isla markaas ka qayb qaadanaya nadaafadda iyo qurxinta deegaanka. Cilmi-baarayaal ka socda dalka Sweden, oo kaashanaya masuuliyiin ka tirsan shirkadda Corvid Cleaning—oo ka mid ah shirkadaha nadaafadda ee dalkaas—ayaa hirgeliyay tababarkan. Tukayaasha waxaa la baray inay waddooyinka ka soo qaadaan haraaga sigaarka, kadibna ay ku beddeshaan cunto si ay u sii wadaan shaqadooda.

Fikradda mashruucan waxay ka dhalatay daraasado muujinaya in tukayaashu yihiin shimbiro aad u caqli badan. Waxay si fudud u bartaan hawlo adag, waxayna si fiican ula qabsadaan xaalado cusub. Arrintan ayaa dhalisay su’aal ah: maxaa dhici kara haddii tukayaasha loo adeegsado nadiifinta qashinka? Maanta, su’aashaas jawaabteedii waa lahelay.

Mashruuca waxaa si tijaabo ah looga hirgeliyay magaalada Södertälje, oo ku taalla agagaarka caasimadda Stockholm. Tukayaashu waxay ka soo ururiyaan waddooyinka haraaga sigaarka, kadibna waxay ku ridaan qalab casri ah oo ku shaqeeya caqli macmal ah, kaas oo markiiba siiya abaal-marin cunto ah.

Inkasta oo mashruucan muddo la soo waday, haddana weli waa tijaabo kooban, mana ahan mid si buuxda uga shaqeeya magaalada oo dhan. Waxaa lagu fuliyay meel gaar ah si loo qiimeeyo waxtarkiisa iyo sida uu mustaqbalka ugu faa’iideyn karo bulshada.

Ugu dambeyn, mashruucan tukayaasha ee Sweden wuxuu tusaale u yahay sida hal-abuurka, sayniska iyo teknoolojiyadda la isu geeyo si xal loogu helo dhibaatooyinka deegaanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top