Usbuucan, hoggaamiyayaal ka socda siyaasadda iyo tiknoolajiyadda ayaa ku kulmay magaalada Paris si ay uga wada hadlaan horumarka iyo saameynta Caqliga Macmalka ah {AI-ga}.
Shirka waxaa martigeliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi. Inkasta oo markii hore ujeedada shirku ahayd in laga hadlo khataraha AI-ga, haddana shirka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo maareyn lahaa tartanka caalamiga ah ee tiknoolajiyada casriga ah.
Faransiiska ayaa ku dhawaaqay maalgashi dhan 110 bilyan oo euro si uu ula tartamo Mareykanka iyo Shiinaha, inkastoo lacagtaasi ay ka timid Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa shaaciyay hindisaha EU AI Champions oo leh maalgashi gaaraya 156 bilyan oo euro oo laga helay maalgashiyo gaar loo leeyahay, iyadoo 46 bilyan oo euro oo dheeraad ah lagu dari doono si loo dhiso warshado casri ah oo soo saari doona chip-yo loogu talagalay tababaridda moodooyinka AI-ga.
Si kastaba ha ahaatee, kasoo qayb galayaasha shirku waxay walaac ka muujiyeen in maalgashiyada ay reer Yurub iyo reer Aasiya ee dhanka Teknolojiyadu aysan ku filnaan doonin in lagula tartamo Mareykanka iyo Shiinaha oo aad ugu horumarsan dhinaca AI-ga.
Dhinaca kale, Mareykanka ayaa ku adkeystay in uu ahaan doono hogaamiyaha AI-da caalamka, isagoo dhaleeceeyay Midowga Yurub oo uu ku eedeeyay inuu xoogga saarayo xeerarka iyo xakamaynta dhinaca Teknoliyadda Casriga ah.
Shirka ayaa ku dhammaaday iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiskuna ay diideen inay saxiixaan bayaanka wadareed ee shirka kasoo baxay . Si kastaba ha ahaatee, shirkan wuxuu fursad u noqday in hoggaamiyeyaasha caalamku ay si qoto dheer uga doodaan mustaqbalka AI-ga iyo saamaynta uu ku yeelan karo adduunka.