Shirkadda caanka ah ee Microsoft, ayaa wajahaysa weerarro cusub oo dhinaca internetka ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka dambeyaan kooxo Burcadda Internetka ah (hackers) oo la tuhunsan yahay inay taageero ka helaan dowladda Shiinaha. Weeraradan ayaa si gaar ah u saameeyay adeegga loo yaqaan SharePoint, kaas oo ah nidaam muhiim ah oo shirkado badan u adeegsadaan kaydinta iyo isla wadaagga dukumentiyada.
Warbixin rasmi ah oo ay soo saartay Microsoft ayaa lagu sheegay in kooxaha loogu yeero Linen Typhoon, Violet Typhoon iyo Storm-2603 ay isku dayeen in ay ka faa’iideystaan cilad amni (security vulnerability) oo ku jirtay SharePoint, tan iyo 7-da bisha Luulyo 2025.

Kooxahan ayaa lagu eedeeyay in ay doonayeen inay gudaha ugalaan nidaamka Sharepoint si ay ugu dhex lifaaqdaan nidaamka shirkada file sir doon oo iyaga u gaar ah. Si looga hortago khatartan, Microsoft ayaa si degdeg ah u sii daysay saddex nooc oo kala duwan oo ah cusbooneysiin amni (security updates) oo loogu talagalay barnaamijka SharePoint, si loo xiro meesha jilicsan ee ay kooxahani isku dayayeen in ay marin ka helaan.
Tani ma ahan markii ugu horreysay oo kooxo lala xiriirinayo dowladda Shiinaha lagu eedeeyo weerarro noocan ah oo lagu beegsanayo Microsoft. Sannadkii 2021, waxaa la weeraray adeegga Exchange Server ee Microsoft, taas oo keentay khasaare ballaaran iyo walaac weyn oo ku saabsan ammaanka xogta.
Weeraradaas hore waxay sabab u noqdeen in Microsoft ay sare u qaaddo dadaallada ay ugu jirto horumarinta amniga digitalka. Sannadkii hore, agaasimaha guud ee shirkadda, Satya Nadella, ayaa sheegay in arrimaha la xiriira amniga internetka iyo ka hortagga weerarrada noocan ah ay hadda ka mid yihiin mudnaanta koowaad ee shirkadda.
Shirkadda Microsoft ayaa ugu baaqday dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaad ka isticmaala SharePoint inay si degdeg ah u rakibaan cusbooneysiinta amniga, { security updates} si looga hortago in weerarro kale ay suurtagal noqdaan.
