Shirkadda Apple ayaa ugu dambeyn ogolaatay in hay’adaha amniga ee UK si fudud ku heli karaan xogta ku jirta aaladaha macaamiisha isticmaala adeegyadeeda ee ku nool Boqortooyada Ingiriiska.
Tani waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo ku nool UK oo haysta iPhone, MacBook ama iPad, xogtiisa ay hay’adaha amnigu dalacan karaan marka ay doonaan.
Apple ayaa horey ugu rakibi jirtay aaladaheeda barnaamij loo yaqaan Advanced Data Protection (ADP), kaas oo xogta isticmaalaha ka dhiga mid sir ah, si aan qof kale u akhrin karin—xitaa haddii la jabsado. Barnaamijkan ayaa xogta ku kaydiya qaab encryption ah, taasoo la micno ah in aan la akhrin karin ilaa furaha saxda ah la helo.
Hase yeeshee, Apple ayaa hadda ka saartay barnaamijkii ADP aaladaha ay isticmaalayaan macaamiisheeda UK, kaddib cadaadis ay kala kulantay dowladda UK. Tallaabadan ayaa la xiriirta sharciga Investigatory Powers Act of 2016, oo dowladda u ogolaanaya inay ka dalbato shirkadaha tiknoolajiyada inay siiyaan marin ay ku baari karaan xogta isticmaalayaasha.
Apple ayaa ka xumaatay arrintan, iyadoo sheegtay: “Waxaan si weyn uga niyad jabsanahay in macaamiisheena UK aysan heli doonin barnaamijka Advanced Data Protection, xilli ay sii kordayaan khataraha xadgudubyada xogta iyo sirta macaamiisha.”
Si kastaba ha ahaatee, Apple kama aysan hadal culayska dowladdu ku saartay inay meesha ka saarto ADP. Dhinaca kale, macaamiisha Apple ee UK ayaa walaac ka muujiyay in xogtooda loo heli karo markasta oo dowladdu rabto, taasoo dhaawacaysa sumcadda Apple ee dhinaca amniga iyo sirta xogta gaarka ah.
Wararkii ugu Dambeeyay ee Teknolojiyadda si aad u hesho ku xirnoow Shabakada www.Somalisidor.com