Shirkadda caanka ah ee OpenAI, ayaa la saadaalinayaa in ay dhowaan suuq keento browser cusub kaas oo noqon doona mid ku shaqeeya gabi ahaanba Caqliga Macmalka ah ee AI.
Browser kan cusub ayaa dhanka kale noqon doona mid loolan culus la gali doonaa Google Chrome, oo ah browser-ka ugu caansan ee ay leedahay shirkadda Alphabet. Sida ay warar lagu kalsoon yahay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters, browser-kan cusub ayaa la filayaa in la bilaabo toddobaadyada soo socda.
Browser kan cusub wuxuu noqon doonaa mid si weyn uga duwan browsers-ka caadiga ah ee dadku hadda isticmaalaan, waxa uu adeegsan doonaa Caqli macmal ah (AI) si uu u beddelo habka dadku ay wax uga baaraan internet-ka, isaga oo bixinaya adeegyo xawaarohoodu aad usareeyo, si fududna ku daboolaya baahida isticmaalaha.
Marka browser-kan la bilaabo, wuxuu siinayaa OpenAI fursad ay si toos ah u aruuriso xogta isticmaalayaasha, taasoo muhiim u ah horumarinta adeegyada AI-da. Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in OpenAI ay si tartan ah ula loolami doonto Google, oo muddo dheer gacanta ku haysay xogta isticmaaleyaasha iyada oo adeegsanaysa Chrome.
Tallaabadan cusub ee OpenAI waxay muujinaysaa sida tartanka tiknoolajiyadda caqliga macmalka ah uu u sii xoogaysanayo, iyo sida shirkaduhu ugu dadaalayaan in ay helaan marin toos ah oo ay ku horumariyaan adeegyo ku saleysan xogta dadka. Haddii browser-kan cusub uu guuleysto, waxa uu u noqon karaa isbeddel weyn oo saameeya mustaqbalka habka internet-ka wax looga baadho.