Shirkadda Microsoft ayaa ku dhawaaqday in dadka isticmaala adeegga Microsoft 365 ay dhowaan heli doonaan saddex barnaamij-raadis (Companion Apps) oo cusub oo lagu dari doono qaybta hoose ee shaashadda Windows 11, taas oo loo yaqaan Taskbar.
Saddexda barnaamij ee cusub waxay keenayaan adeegyo muhiim ah oo qof kasta u fududeynaya shaqada kuwaas oo kala ah:
1} Raadinta Faylasha (File Search):
Waxay kuu oggolaanaysaa inaad kombiyuutarkaaga ka raadsato dukumentiyada, sawirrada ama faylasha kale adigoon isticmaalin marinno badan.
2} Xiriirada (Contacts):
Waxay kuu oggolaanaysaa inaad si degdeg ah ula xiriirto qof aad u baahan tahay adiga oo adeegsanaya fariin qoraal (Message) ama wicitaan (Call), adigoon furin barnaamijyo kala duwan.
3} Jadwalka (Calendar):
Waxaad si toos ah uga arki kartaa ballamahaaga, shirarkaaga iyo hawlaha maalinta ama toddobaadka adiga oo aan furin barnaamijka Outlook ama adeegyo kale.
Tani waxay si gaar ah waxtar ugu leedahay dadka shaqeeya, gaar ahaan haddii aad rabto in aad si dhaqso ah ula xiriirto saaxiib shaqo ama aad hesho dukumenti muhiim kuu ah.
Sida ay wararka sheegayaan barnaamijyadan waxay shirkadu u rakibi doontaa si otomaatig ah (Automatically) haddii aad tahay macmiil haysta rukhsad (Subscription) Microsoft 365. Dhanka kale Microsoft ayaa sheegtay in barnaamijyadan ay shirkadu u qaybin doonto si tartib tartiib ah, ama (Gradual rollout). Tallaabada ugu horreysa waxaa loo bilaabay isticmaalayaasha shirkadaha (Business Users), ka hor inta aan loo gudbin isticmaalayaasha gaarka ah (Personal Users).
Tani waa talaabo kale oo Microsoft ku doonayso inay ka dhigto Windows 11 meel wax walba laga maamulo. Isticmaalayaasha Microsoft 365 waxay heli doonaan hab ka fudud kan hore oo ay ku maareeyaan xiriirkooda, jadwalkooda iyo faylashooda, tanina waxay noqon doontaa mid macmiilka u bad baadisa wakhti aad ubadan.