Shirkadda Meta, oo ah milkiilaha baraha loogu isticmaalka badan yahay ee Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ayaa muujisay taageero buuxda oo ay u hayso fikradda ah in carruurta laga hirgeliyo da’ rasmi ah oo laga bilaabo loo baahan yahay oggolaanshaha waalidka marka ay doonayaan inay galaan baraha bulshada.
Maxaa laga wadaa “da’da dijitaalka ah”?
Tani waa fikrad cusub oo laga soo jeediyay gudaha Midowga Yurub, taasoo sheegaysa in carruurta aan wali gaarin da’da 15 aysan geli karin baraha bulshada iyagoo aan haysan oggolaansho rasmi ah oo ka yimid waalidkooda.
Dalal ka Faransiiska, Isbayn iyo Giriigga ayaa hormuud u ah hindisahan, iyaga oo doonaya in lagu daro nidaamyo kale sida xaqiijinta da’da iyo xakameyn waalid oo lagu xiro qalabka internetka lagu galo. Ujeedadu waa in la ilaaliyo badbaadada maskaxeed iyo akhlaaqeed ee caruurta.
Meta waxay sheegtay in nidaamkan uu noqon karo tallaabo waxtar leh oo lagu yareynayo halista ay carruurtu kala kulmaan isticmaalka internetka, gaar ahaan baraha bulshada, ciyaaraha online-ka ah, adeegyada filimada lagu daawado (streaming), barnaamijyada fariimaha iyo browser-yada lagu galo bogagga internetka.
Meta miyey ka mamnuucaysaa carruurta baraha bulshada?
Maya. Meta waxay si cad u sheegtay in qorshahan aysan la micno ahayn in la doonayo in carruurta laga mamnuuco isticmaalka baraha bulshada gabi ahaanba. Halkii laga mamnuuci lahaa, shirkaddu waxay rabtaa in la helo xeerar mideysan oo carruurta iyo waalidiintooda si sax ah u hagaya.
Soo jeedinta Meta iyo dalalka Yurub waxay muujinaysaa in la gaaray xilligii laga fikirayay badbaadada carruurta marka ay gudaha u galaan dunida online-ka ah.
Qorshahani wuxuu noqon karaa tallaabo cusub oo lagu hagaajinayo mustaqbalka dijitaalka ah ee jiilka soo koraya, iyadoo la is waafajinayo isticmaalka internetka, rabitaanka caruurta iyo Masuuliyada Waalidiinta.