Shirkadda amniga ee Wordfence ayaa ka digtay daldaloolo amni oo halis ah oo laga helay Forminator, Forminator waa kordhin {Plugin} kaas oo kuu oggolaanaya inaad sameyso foomam online ah sida foomamka diiwaangelinta, xiriirka, iyo su’aalaha aad rabto inay kasoo muuqdaan bogaaga, waxaana istimaala hada in ka badan 600,000 bog ama website.
Laakiin hadda, shirkadda amniga ee Wordfence ayaa soo saartay digniin ku saabsan daldaloolo amni oo aad halis u ah lagana helay Forminator.
Daldaloolkan waxaa loo diiwaan geliyay magaca CVE-2025-6463, waxaana lagu qiimeeyay heer halis sare ah oo ah 8.8 marka loo eego cabbirka caalamiga ah ee CVSS (Common Vulnerability Scoring System).
Maxaa Halis ah oo kaaga imaan kara hadii aadan cusboonaysiin forminator kaaga?
Daldoolkan wuxuu siin karaa burcad internetka (hackers) fursad ay si buuxda gacanta ugu dhigaan mareegaha isticmaala noocyada Forminator ee aan la cusboonaysiin. Taasi waxay la micno tahay:
- Waxay beddeli karaan nuxurka boggaaga.
- Waxay gelin karaan faylal waxyeello leh.
- Waxay curyaamin karaan ama xiraan karaan website kaagaaga.
- Xogta dadka isticmaala boggaaga ayaa loo jabsan karaa si fudud.
Sidaas darteed, waa lama huraan inaad si degdeg ah u cusboonaysiiso Forminator, ku rakiban website kaaga.
Sidee Loogu Cusboonaysiiyaa Forminator?
Haddii aadan khibrad badan u lahayn maamulka WordPress, ha welwelin! Halkan waxaa ku qoran tallaabo-tallaabo fudud oo kuu sahlaya inaad si ammaan ah u cusboonaysiiso Forminator:
✅ Tallaabada 1: Geli boggaaga WordPress
- Tag:
www.boggagaaga.com/wp-admin
- Gali magacaaga isticmaale iyo erayga sirta ah
✅ Tallaabada 2: Tag qaybta “Plugins”
- Liiska bidix ka dooro: Plugins
- Guji: Installed Plugins
✅ Tallaabada 3: Raadi Forminator
- Ka dhex raadi liiska kordhimooyinka magaca Forminator
- Haddii uu jiro cusboonaysiin, waxaad arki doontaa batoonka oranaya Update Now
✅ Tallaabada 4: Guji “Update Now”
- Guji batoonkaas
- Sug dhowr ilbiriqsi ilaa uu dhammeeyo
- Fariin cagaaran ayaa kuu sheegaysa in uu si guul leh u dhammaaday
Rukumo oo ku xidhnoow www.somalisidor.com si aad ula socoto wararka Teknolojiyadda.