Shirkada Google ayaa daah furtay Barnaamij cusub kaas oo ku shaqaynaya Caqliga Macmalka ah, waxaana barnaamijkan loogu talo galay in lagu aqoonsado noocyada kala duwan ee xayawaanka, iyadoo la isticmaalayo kaamerooyinka dabinka { camera traps}.
Caqligan macmalka ah ee ay shirkada Google daah furtay waxaa lagu magacabaa {SpeciesNet} wuxuuna ku yimi baahi loo qabo in si fudud loogu kala saaro sawirada ay qabtaan Kaamerooyinka lagu basaaso duurjoogta.
Cilmi-baarayaasha adduunka gaar ahaana kuwa daraseeya xayawaanka ayaa isticmaala kaamerooyinka qarsoon, oo ah kaamerooyin dijitaal ah oo ku xiran dareemayaal loo yaqaan infrared – si ay u daraaseeyaan duurjoogta iyo isbeddelada ku dhaca tiradooda.
Inkastoo kaamerooyinkani ay bixiyaan xog muhiim ah, haddana waxay soo saaraan tiro aad u badan oo sawirro ah, kuwaas oo qaata maalmo ilaa toddobaadyo in la kala shaandheeyo, lakiin hada waxaa shaqadaa si fudud u qaban doona Barnaajimkan ay shirkada Google daah furtay ee {SpeciesNet}.
Tani waxay fursad weyn u tahay cilmi-baarayaasha iyo hay’adaha ka shaqeeya ilaalinta duurjoogta, maadaama ay heli doonaan hab casri ah oo sahlan oo ay ku falanqeeyaan xogta muhiimka ah ee laga helo duurjoogta.
Wararkii ugu dambeeyay ee Teknolojiyadda si aad u hesho ku xidhnow Somalisidor.com