Cilmi-baaris cusub oo uu sameeyay Machadka Tiknoolajiyadda Massachusetts (MIT) ayaa muujisay in dadka isticmaala chatbot-yada ama sirdoonka macmalka ah (AI) ay maskaxdoodu si ka duwan u shaqeyso marka loo eego kuwa aan isticmaalin qalabkan.
Daraasaddan, oo wali aan si rasmi ah loo daabicin, ayaa muujisay in dadka ku tiirsan AI-ga ay maskaxdooda si hoose u shaqeyso marka la eego howlaha fikirka iyo xasuusta ee ay maskaxdu qabato.
Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in marka chatbot AI ah laga helo caawimo, xogta ama waayo-aragnimada uu qofku la kulmo aysan si fiican ugu hadhin maskaxdiisa.
Sida Daraasadda Loo Fuliyay
Tijaabada waxaa lagu sameeyay arday jaamacadeed oo loo gashay qalab ka {EEG} kaas oo cabbira firfircoonida maskaxda. Ardayda waxaa la siiyay 20 daqiiqo si ay u qoraan maqaal, iyadoo loo kala qaybiyay saddex koox:
- Koox aan heysan wax taageero ah ama aan isticmaalayn IA.
- Koox adeegsaneysa mashiinka raadinta (search engine) sida Google iyo wixii la mida.
- Koox isticmaashay GPT-4o ee shirkada OpenAI.
Tijaabadan ayaa waxaa lagu celceliyay afar jeer, muddo dhowr bilood ah.
Qiyaasta Maskaxda: Maxaa La Cabbiray?
Saynisyahannadu waxay adeegsadeen hab la yiraahdo Dynamic Directed Transfer Function (dDTF), kaas oo cabbira sida xogtu uga gudubto hal qeyb oo maskaxda ah una gudubto meel kale. Habkani wuxuu muujinayaa xoogga iyo jihada xog socodka maskaxda, wuxuuna ka tarjumayaa awoodaha sida qorsheynta, feejignaanta iyo fahamka macnaha.
- Ardayda adeegsaday search engine-ka waxaa la ogaaday in maskaxdoodu muujisay hoos u dhac u dhexeeya 34% iyo 48% marka la eego dDTF.
- Kuwa isticmaashay chatbot AI-ga ayaa gaarey ilaa 55% hoos u dhac marka la barbardhigo kuwa kaligood shaqaynayay.
Maxay Tani Inoo Sheegaysaa?
Cilmi-baarayaashu waxay sheegayaan in ay muuqato in qofka marka uu helo taageero dibadda ka timaada (sida chatbot), maskaxdiisu aysan si qoto dheer u shaqayn. Tani waxay muujinaysaa in ay jirto is-dhexgal u dhexeeya barashada iskeed uga dhalata maskaxda iyo midda laga helo taageerada AI.
Waxay kaloo daraasaddu taageertay aragti ah in ardayda ay muhiim u tahay in marka hore ay si madaxbannaan u baran karaan, ka hor inta aan la siin taageerada AI.
Gunaanad
“Tiknoolajiyadda casriga ah sida chatbot-yada waxay bixiyaan fursado badan oo waxbarasho, laakiin waa muhiim in la baaro saameynta ay ku yeelan karaan garaadka, fikirka xorta ah, iyo koritaanka maskaxeed ee qofka. Cilmi-baarisyo badan ayaa wali loo baahan yahay si arrimahan loo fahmo,” ayay yiraahdeen cilmi-baarayaashu.