Dowlado badan ayaa dhawaan bilaabay inay xannibaan chatbot-ka cusub ee shirkadda AI-da Shiinaha, ee DeepSeek. Dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Australia ayaa mamnuucay adeegsiga chatbot-kan waxaana si gaar ah looga mamnuucay shaqaalaha dowladda.
Warbixinno ayaa sheegaya in Mareykanka iyo dalal kale ay sidoo kale qorsheynayaan inay mamnuucaan isticmaalka DeepSeek . Sababta ugu weyn ee la tilmaamay waa walaaca la xiriira amniga iyo sida shirkaddu u maareyso xogta shaqsiyeed ee dadka isticmaala. lakiin waxaa iyana cad inay jiraan tartan weyn oo udhexeeya Dowladahan kaas oo ah dhanka Teknoolajiyadda.
Go’aankani wuxuu muujinayaa taxaddar sii kordhaya oo ay dowlado badan ka qabaan shirkadaha tignoolajiyadda Shiinaha iyo ilaalinta xogta.
Xannibaado la mid ah tan ayaa horey loogu soo rogay barnaamijyo kale oo Shiinuhu leeyahay, iyadoo laga baqayo halista xog ururinta iyo maareynta macluumaadka.
Lama oga sida arrintani ku dambeyn doonto, balse doodaha la xiriira amniga AI-da ayaa ah mid sii kor dhaya walaaciisana wata.