Maanta, in badan oo inaga mid ah waxay helaan internet joogto ah, taas oo leh faa’iidooyin iyo khasaare intaba. Hadaba dhawaan ayaa Koox cilmi-baarayaal ah oo ka socota Waqooyiga Ameerika waxay sameyeen jitaabo lagu yareynayo isticmaalka Internetka. Tijaabadan oo ay ka qayb galeen dad badan ayaa 467 dadkaas ka mid ah waxaa lagu soo dajiyay Teleefanadooda gacanta Application kaas oo gabi ahaanba ka xanibaya isticmaalka Internetka, muddo laba toddobaad ah.
Mudaddaas waxay dadkani isticmalayeen oo kaliya ku hadalka Telefoon kooda iyo qaybta fariimaha oo kaliya, waliba isticmaalka labadana aad baa losoo koobay, waxaana daraasada kadib la ogaaday in ka qayb galayaasha 71% cafimaadka maskaxdoodu hagaagtay.
Dadkii ka qayb qaatay darasaadkan ayaa go’aansaday inay yareeyaan isticmaalka internetka taas badal keedana ay sameeyaan socod lagu lugeynayo kaymaha, la sheekaysi dadka kale iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo dabeeci ah.
Natiijooyinkan waxay muujinayaan in yareynta isticmaalka internetka ay si togan u saameyn karto caafimaadka maskaxda, taasoo dhiirigelinaysa in dadku mararka qaar fasax ka qaataan aaladaha dhijitaalka ah si ay u helaan nolol dheellitiran.