Apple Oo Soo Bandhigtay Cusboonaysiin Amni Oo Cusub.

Shirkadda Apple ayaa dhawaan soo saartay nooc cusub oo cusboonaysiin amni ah (security update) oo loogu talagalay qalabadeeda kala ah iPhone, iPad iyo Mac. Cusboonaysiintan ayaa diiradda saaraysa hagaajinta cilad laga helay biraawsarka Safari.

Ciladdan waxaa helay khabiir amni (security researcher), waxayna ku jirtay WebKit, oo ah matoorka ama engine ka ay kushaqeeyaan browser ka Safari iyo apps kale. Haddii si khaldan loo adeegsado, ciladdu waxay u oggolaan kartaa bog internet oo xun (malicious website) inuu helo xog ka timid bog kale oo isla browser-ka laga furay, isla kalfadhiga (session), taasoo halis gelin karta xogta isticmaalaha.

Apple waxay sheegtay in cusboonaysiintan cusub ay tahay mid fudud (lightweight) oo si toos ah uga shaqeysa gadaasha ama (background), isla markaana loogu talagalay in lagu xalliyo dhibaatooyinka amniga (security vulnerabilities) iyadoo aan la sugin cusboonaysiimo waaweyn.

Cusboonaysiintan waxay si gaar ah u hagaajin kartaa qaybo ka mid ah software-ka sida Safari, WebKit iyo maktabado kale oo nidaamka ah (system libraries) oo u baahan in si joogto ah loo ilaaliyo ammaankooda.

Marka la rakibo cusboonaysiintan, waxa loo baahan yahay oo keliya dib-u-bilaabid degdeg ah (quick restart), taasoo ka fudud dib-u-bilaabista dheer (full reboot) ee badanaa la sameeyo marka la rakibayo cusboonaysiimo waaweyn.

Inkastoo Apple aysan si faahfaahsan u sheegin sababta ay hadda u hagaajisay ciladdan, haddana waxaa la rumeysan yahay in tallaabadan ay muhiim u tahay ilaalinta xogta isticmaalayaasha. Kahor inta aan la sii dayn, cusboonaysiintan waxaa lagu tijaabiyay dad tijaabiya software-ka (software testers) si loo hubiyo inay si fiican u shaqeyso.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top