Shirkadda tiknoolajiyadda caalamiga ah ee Apple ayaa ku dhawaaqday in ay ku kordhineyso $100 bilyan maalgashigeeda gudaha Mareykanka, taasoo guud ahaan gaarsiinaysa aduun lacageed oo gaaraya $600 bilyan afar sano gudahood. Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli Madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo canshuur cusub oo lagu soo rogo chips-ka iyo semiconductors-ka dibadda laga keeno.
Tim Cook, Agaasimaha Apple, ayaa sheegay in lacagta dheeraadka ah lagu dhisi doono warshado cusub, lana abuuri doono shaqooyin badan. Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Apple ay horey u bilowday dhismaha warshad casri ah oo Houston ku taalla si loo soo saaro serverro AI ah.
Iskaashiga Apple iyo Siyaasadda “America First”
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in kordhinta maalgashigan ay caddeyn u tahay guusha siyaasaddiisa “America First” ee dhiirrigelineysa wax soo saar ka gudaha dalka ah. Wuxuu xusay in shirkadaha sida Apple oo kale looga baahan yahay in ay hoos u dhigaan ku tiirsanaanta wax soo saarka dibadda, gaar ahaan dalalka tartanka ganacsi kula jira Mareykanka.
Wuxuuna madaxweyne Trump sheegay in canshuurta lagu kordhin doono shirkadaha dalka dibadiisa wax ka keensada, canshuur kordhistaas oo gaar siisan ku dhawaad 100% Canshuur kordhistan ayaana toos usameyn doonta shirkada Apple gaar ahaan adeegyadeedda chips-ka iyo semiconductors oo ay shirkadu ka keensato dalka dibadiisa.
Maalgashigan cusub ee Apple iyo canshuurta uu Trump qorsheeyay waxay muujinayaan isbeddel weyn oo ku wajahan soo celinta wax soo saar tiknoolajiyadeed gudaha Mareykanka. Inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale iyo farsamo, tallaabadani waxay noqon kartaa mid saameyn weyn ku yeelata mustaqbalka warshadaha tiknoolajiyadda Mareykanka iyo qiimaha badeecadaha la isticmaalo maalin walba.