Akhriso warkan:! Hadii aad tahay dadka Internetka ka daawada Flimada iyo Ciyaaraha.

Bleeping Computer oo ah shabakad caan ku ah wararka la xiriira amniga internetka ayaa shaaca ka qaaday in malmihii lasoo dhaafay ay soo bexeen jabsadayaal {Hackers} adeegsanaya xeelad cusub si ay xog uga xadaan malayiin qof.

Dadka weerarka geysanaya ayaa deegsaday muqaalo loo sameeyay sida kuwa xayeeysiinta lakiin xambaarsan waxyeelo aad udaran. Waxayna muqaladan ku dhexdaareen shabakadaha laga daawado filimada iyo ciyaaraha tooska ah.

Microsoft ayaa tallaabo ka qaaday arrintan, iyagoo tiray kaydyo badan oo koodhka xun lagu faafiyay. Barnaamijyada la soo dejiyay waxay u suurtagelinayeen weeraryahannada inay xadaan xogta isticmaaleyaasha ama ay ku rakibaan software kale oo waxyeello leh.

Waxaa xitaa la ogaaday in mararka qaar barnaamijyada waxyeellada leh lagu faafiyay adeegyo la aamini karo sida Dropbox iyo Discord, taasoo keentay in ay saameeyaan dad iyo shirkado badan oo kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee Teknolojiyadda ugu imoow Somalisidor.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top