Stockholm – Dalka Sweden ayaa weli ku jira xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo xisbiyadu ku guuldarreysteen inay heshiis ka gaaraan dhismaha dowlad cusub kadib doorashadii baarlamaanka ee September.

Hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna, Magdalena Andersson, ayaa dadaal ugu jirta inay soo dhisto xukuumad ay taageeraan xisbiyada bidixda dhexe. Xisbiga Centerpartiet ayaa dhawaan taageeray qorshaheeda, balse khilaafka ugu weyn ayaa ka taagan dalabka Vänsterpartiet oo doonaya inuu qayb ka noqdo xukuumadda.
Dhanka kale, ra’iisul wasaarihii hore Ulf Kristersson ayaa isku dayaya inuu helo taageero uu ku soo dhiso dowlad cusub.
Guddoomiyaha baarlamaanka Andreas Norlén ayaa sheegay in Sweden ay ugu dambayn Kirismaska ogaan doonto inay yeelanayso dowlad cusub ama noqoto in doorasho kale loo dareero.
Waxaa la filayaa in Norlén uu berri, 24-ka November, la kulmo hoggaamiyeyaasha xisbiyada si loo raadiyo xal siyaasadeed.



