Warbixin: Wararkii ugu dambeeyay ee Dowlad Dhiska Sweden.

Sweden ayaa weli wajahaysa ismariwaa siyaasadeed, iyadoo xisbiyadu ku guuldarreysteen inay heshiis ka gaaraan dhismaha dowlad cusub, in ka badan laba bilood kaddib doorashadii baarlamaanka ee dhacday 13-kii Sebtembar 2026.

Xisbiyada garabka bidix ee uu hoggaamiyo Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doorashada ku helay aqlabiyad yar, balse khilaaf ka dhex taagan xulafadooda ayaa hakad geliyay wadaxaajoodyada.

Xisbiga Centerpartiet ayaa taageeraya dadaalka Magdalena Andersson ee dhismaha dowlad cusub, hase yeeshee wuxuu diiddan yahay in Xisbiga Vänsterpartiet uu helo wasiirro. Dhanka kale, Vänsterpartiet ayaa ku adkeysanaya inuu qayb ka noqdo dowladda.

Ra’iisul wasaaraha xilka sii haya, Ulf Kristersson, ayaa isaguna ku guuldarreystay inuu helo taageero ku filan oo uu ku dhiso dowlad cusub.

Guddoomiyaha baarlamaanka (talmannen), Andreas Norlén, ayaa xisbiyada siiyay toddobaad dheeraad ah, isagoo sheegay in go’aan kama dambeys ah laga gaarayo ka hor ciidaha Kirismaska.

Haddii heshiis la waayo, Sweden waxay wajihi kartaa doorasho aan waqtigeedii ahayn (extraval).

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top