Guddoomiyaha baarlamaanka Sweden, Andreas Norlén, ayaa hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet, Elisabeth Thand Ringqvist, u xil saaray inay sahmiso fursadaha lagu dhisi karo dowlad ay taageeri karaan xisbiyo kala duwan.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna, Magdalena Andersson, ay ku guuldarreysatay codkii baarlamaanka ee lagu go’aaminayay ra’iisul wasaaraha, maadaama aysan helin taageero ku filan oo ay ku dhisto dowlad.
Hadda waxaa la filayaa in Thand Ringqvist ay muddo toddobaad ah ku soo bandhigto natiijada wada-hadalladeeda, iyadoo warbixinteeda la sugayo 26-ka Oktoobar.
Norlén ayaa sheegay in geeddi-socodka dhismaha dowladdu leeyahay caqabado dhowr ah, isla markaana uusan doonayn inuu si buuxda ugu ekaado habkii loo maray sannadkii 2018.
Dhankeeda, Thand Ringqvist ayaa sheegtay inay si masuuliyad leh u qaadanayso hawsha loo igmaday. Waxay xustay in ujeeddadeedu tahay helitaanka xal siyaasadeed, ee aysan ahayn inay iyadu noqoto ra’iisul wasaare.
Xisbigeedu wuxuu doonayaa dowlad waxqabad leh oo shaqooyin abuurta, yareysa qiiqa wasakheeya deegaanka, isla markaana xoojisa adeegyada bulshada.



