Google ayaa ku dhawaaqday inay isbeddel weyn ku sameynayso bogga ay dadka uga raadiyaan internet-ka. Muddo dheer, dadka marka ay wax raadiyaan waxay arki jireen links (xiriirro) buluug ah oo lagu galo website-yada kala duwan. Hadda se Google waxay dooneysaa in AI (Artificial Intelligence) ama caqliga macmal ah uu si toos ah uga jawaabo su’aalaha dadka.

Shirkaddu waxay arrintan ku soo bandhigtay munaasabadda Google I/O oo ah kulan ay sanad kasta qabato. Qaabka cusub wuxuu dadka siinayaa jawaabo degdeg ah halkii ay ka akhrin lahaayeen website-yo badan.
Tusaale ahaan, haddii qof uu wax ka raadiyo “black holes” (godadka madow ee hawada sare), Google wuxuu soo bandhigi karaa sawirro, sharaxaad iyo xog fudud oo AI-ku diyaariyay si qof walba u fahmi karo.
Sidoo kale dadka ayaa hadda waydiin kara su’aalo dheeraad ah (follow-up questions) si ay jawaab cad u helaan. Tani waxay ka dhigeysaa raadinta internet-ka mid u dhow wada hadal caadi ah.
Google waxay sheegtay in qaabkan cusub si rasmi ah loo bilaabi doono xagaaga soo socda.
