Shalay ayay ahayd markii Booliska Dalka Sweden ay fariin digniin ah u direen dadweynaha ku nool dalka Sweden, kadib markii ay laamaha amaan ku heleen cabasho uga timi dad hantidoodii lagu dhacay qaab turuufo ah, ama tuuganimo qiyaano ku saleysan. waxayna Boolisku dadka uga digeen inaysan ku dhicin dabin ka ay duugadaasu dhigayaan, ayna aad uga feegjinadaan.

Habkan waa mid fudud balse aad u khatar badan. Qofka ayaa lagu khiyaaneeyaa inuu galo (logga in) BankID, kadibna muddo aad u yar ayuu ku waayi karaa lacagtiisa oo dhan . Arrintani waxay noqotay mid si degdeg ah u faafaysa, gaar ahaan dadka isticmaala adeegyada dijitaalka ah.
Kooxdan tuugada ah waxay la xiriiraan dadka iyagoo isticmaalaya telefoon ama fariimo. Waxay inta badan iska dhigaan inay ka socdaan Booliska (polisen) ama hay’ad dowladeed (myndighet). Si ay qofka u qanciyaan, waxay abuuraan xaalad degdeg ah oo cabsi leh, sida inay sheegaan in koontadaada wax khaldan ka jiraan ama lacag lagaa xaday, ama Canshuur celintaadii wax ka qaldanayeen oo lasaxayo . Marka qofka la geliyo walwal iyo jahawareer, waxay si fudud ugu amraan inuu galo (BankID), taas oo ah halka uu dabinku ka bilaabmo.
Xaqiiqdu waxay tahay in Booliska ama hay’ad rasmi ah aysan ku soo wacanayn si ay kuu yiraahdaan “isku xaqiiji BankID”. Haddii aad sidaas sameyso adigoo raacaya tilmaanta qof kale, waxaad si toos ah u siinaysaa marin uu ku galo akoonkaaga. Taasi waxay ka dhigan tahay in qofkaasi uu awood u yeelan karo inuu lacag ka qaato, una wareejiyo meel kale, ama xitaa deyn ku qaato magacaaga.
Khubarada amniga waxay sheegeen in tani tahay mid ka mid ah khiyaanooyinka ugu badan ee maanta jira. Dadka wax khiyaameeya waxay isticmaalaan farsamooyin aad u casri ah si ay dadka ay iskaga dhigaan kuwo la aamini karo. Mararka qaar waxay isticmaalaan lambaro telefoon oo u eg kuwo sax ah, calaamado shirkadeed (logotyper) iyo sheekooyin si fiican loo diyaariyey si ay qofka u qanciyaan.
Talada laga bixinayo arrintan waa mid cad oo aan muran lahayn. Haddii qof ku cadaadiyo ama ku yiraahdo wax degdeg ah samee, waa inaad si toos ah u joojisaa (lägg på). Waligaa ha gelin (BankID) adigoo qof kale kuu sheegay, hana siin qofna koodhadh kaaga ama xogtaada gaarka ah. Haddii aad dareento wax shaki leh, waxa ugu fiican waa inaad si degdeg ah u joojiso xiriirka.
Noocan dambiyada ah ayaa si weyn ugu kordhay Sweden sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan kuwa lagu sameeyo telefoonka iyo internet-ka. Tuugadu waxay sii kordhinayaan xirfaddooda, taas oo ka dhigaysa in qof kasta uu feejignaado, iskana ilaaliyo dabinadan ay dhigayaan tuugadani.
Fariinta ugu muhiimsan waa mid sahlan oo la fahmi karo: hay’ad dhab ah waligeed kuma weydiisan doonto inaad isticmaasho (BankID) marka aad telefoon kula hadleyso. Haddii qof sidaas sameeyo, inta badan waa khiyaano. Xaaladdaas, waxa ugu saxda ah ee aad sameyn karto waa hal shay: isla markiiba jooji xiriir ka (lägg på). Hayadaha dowliga ah markii aad wacdo uun bay ku weydiin karaan inaad isku cadeyso BankID mahan markay kusoo wacaan. ha la feejignaado.
