Google ayaa hada soo saartay war sheegaya in cilad amni ku timi Browser ka {Chrome}.

Shirkadda (Google) ayaa soo saartay war rasmi ah oo ku saabsan cilad dhanka amniga ah oo ku timid (Browser) keeda caanka ah ee (Chrome). Ciladdan waa mid halis ah, sababtoo ah burcada internet-ka ayaa si degdeg ah uga faa’iidaystay, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay dheceen weeraro loo soo maray ciladan ku timi Chrome ka.

Hadaba Google waxay dhammaan dadka isticmaala Chrome ka ugu baaqaysaa inay sameeyaan (Update) kaas oo ah cusboonaysiin nidaamka Browser ka si looga hor tago ciladan, Inkastoo Chrome inta badan si toos ah isu cusboonaysiiyo, haddana mararka qaar (Automatic Update)-ku uma shaqeeyo si sax ah ama wuu dib dhacaa. Sidaas darteed waa muhiim inaad adigu iska hubiso inaad haysato noocii ugu dambeeyay.

Marka aad hubinayso, waa inaad eegtaa (Version) ka aad isticmaalayso, taas oo aad ka arki karto lambarka muujinaya nooca browser-kaaga.

  • Haddii aad isticmaalayso (Mac) ama (Windows) waa in uu noqdaa Version 145.0.7632.75 ama 145.0.7632.76
  • Haddii aad isticmaalayso (Linux) waa in uu noqdaa Version 144.0.7559.75

Haddii aad haysato Version ka hooseeya kuwaas, qalabkaagu wuxuu gali karaa khatar (Security Risk) taas oo macnaheedu yahay in si fudud laguugu samayn karo (Hack) ama jabsasho.

Ciladdan amni waxay u oggolaan kartaa qof weerar sameeya inuu helo marin qarsoon oo loo yaqaan (Unauthorized Access), taas oo ah inuu galo kombiyuutarkaaga ama xogtaada adigoon ogayn. Waxa kale oo uu qaadi karaa xog muhiim ah sida (Passwords) furayaasha sirta, ama xog bangi iyo macluumaad kale oo gaar ah.

Si aad isku ilaaliso:

  1. Fur Chrome ka
  2. Tag qaybta (Settings)
  3. Ka dooro help kadib na eeg (About Chrome)
  4. Halkaas ayaad ka arki doontaa Version-ka, sidoo kalena haddii uu jiro Update wuu is Update garayn doonaa si iskii ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top