Shirkada Nike oo laga yaabo in xog laga xaday!

Shirkadda caanka ah ee Nike, ee Maraykanka laga leeyahay, ayaa wajahaysa hanjabaad dhinaca amniga xogta ah. Koox caan ah oo fuliya dambiyada internet-ka laguna magacaabo World Leaks, ayaa sheegtay inay heleen xog ka timid shirkadda Nike , waxayna ku hanjabayaan inay si fagaare ah u sii dayn doonaan xogtaas.

World Leaks waxay Nike ku dartay liiska dhibbanayaasha ka soo muuqday boggooda qarsoodiga ah ee loo yaqaan (dark web), halkaas oo ay ku soo bandhigaan shirkadaha ay xadaan. Kooxaha noocan ah waxay isticmaalaan xeelad hanjabaad ah si shirkadaha loogu qasbo inay bixiyaan lacag madax-furasho ah, iyagoo ka baqaya in xogtooda la shaaciyo.

Ilaa hadda, kooxdu kama aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan xogta la xaday, mana jiraan tusaalooyin xog ah oo ay soo bandhigeen si ay uxaqiijiyaan sheegashadooda. Qoraalka ay ku daabaceen bogooda waxa ku lifaaqan saacad tirinaysa wakhtiga oo ku eg 24-ka Janaayo, taasoo loogu talagalay in lagu abuuro cadaadis ka dhan ah shirkada Nike.

Waa kuwama World Leaks?

Kooxda World Leaks waxa ay soo baxday horraantii sanadkan 2025, waxaana falanqeeyayaal badan aaminsan yihiin inay tahay magac cusub oo ay isticmaasho koox hore oo caan ku ahayd weerarrada ransomware-ka, taas oo caan ku ahayd magaca Hunter’s International.

Kooxdani waxay adeegsataa xeelad ka duwan qaabka caadiga ah ee ransomware-ka, iyadoo mararka qaar ka doorbida inay xog daadiso halkii ay si buuxda u xannibi lahayd nidaamyada shirkadaha ay beegsato. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris ay sameeyeen khubaro dhinaca amniga ah ayaa muujisay in kooxda ay mararka qaar labadaba adeegsato: sirgelinta faylasha {Encryption files} iyo hanjabaadda daabacaadda xogta.

Sabab la xiriirta isku ekaanshaha qaabka weerarrada iyo xubnaha la rumaysan yahay inay ku lug leeyihiin, waxa jira tuhun ah in kooxdaasi ay xiriir la leedahay shabakado dambi oo ka hawlgala Bariga Yurub, gaar ahaan Ruushka.

Weerarrada noocan ah ayaa sii kordhaya, waxaana dhawaan la soo sheegay in shirkado caalami ah sida Hyatt, Apple iyo McDonald’s India ay la kulmeen hanjabaado la mid ah. Arrintani waxay muujinaysaa halista sii kordhaysa ee amniga xogta shirkadaha waaweyn.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top